Halkaan ka akhri
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Boliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qof Somaali ah oo dhalashada wadanka Mareykanka watay, kaasoo sheegay inuu ku jiro liiska argagixisada Caalamiga ah, sidoo kale  wuxuu carabka ku dhiftay in qofkaas uu doonayay in uu duulo dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Sarkaal ka tirsan Ciidamada Boliisku oo codsaday in aanay magaciisa la shaacinayaa sheegay in qofka  Soomaaliga ah oo la qabtay ayaa lagu magacaabaa Sulayman Ciise oo wata Dhalashada Mareykanka, waxaana lala qabtay Axmed Cali Xasan oo Canadian ah iyo Maxamed Xuseen Xaashi oo isna Kenyan ah, waxayna  qorsheynayeen in ay u kicitimaan dalka Soomaalia xilligii la qabanayay
Nicholas Kamwende, oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidamada la dagaalanka argagixisada ee dalka Kenya ayaa xaqiijiyay qabqabashada ragaasi, wuxuu intaas uu raaciyey in qofkan ay la qabteen ilaa 2-qof oo kale, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay la shaqeynayeen Kooxaha argagixisada Caalamiga ah, balse waxa uu ka gaabsaday in uu wax faah faahin kale ka bixiyo.
Hase yeeshee, waxaa  labo maalin ka hor Xabsi ku yaala dalka Kenya uu ka baxsaday qof Soomaali ah isla markaasna watay dhalasho  Australian ah, kaasoo aan ilaa iyo iminka la ogeyn halka uu ku danbeeyo.
SomaliSwiss  Nairobi
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.