Kooxda Al-Shabaab oo Maanta markale burburiyey Qabrigii Macalin Maxamed Biyaamaalow.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalintii sadexaad Qabriyo qodid ka wada magaalada Muqdisho ayagoo saakana bilaabay in ay bixiyaan lafihii Macalin Maxamed Biyamaaloow.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta markale bilaabay in ay burburiyaan Qabrigii Macalin Maxamed Biyamaaloow oo ku yaalay Degmada Howlwadaag, waxaana la xaqiijiyay in ay la baxeen Lafihii Sheikha, isla markaana jawaan ku qaatey, hase yeeshee lama oga halka ay u qaateen lafaha Wadaadkaas.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa lasheegay inay xireen dhamaan waddooyinka soo gala Masjidkaasi inta ay wadeen  howlgalka lagu burburinayey Qabriga Macalin Maxamed Biyamaaloow.

Dhanka kale labadii maalmood ee aynu ka soo gudubnay ayaa kooxo ka tirsan Al-shabaab ay ku dhaqaaqeen falal lagu faagayo Qabuurta Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee halganka dheer u soo galay fidinta Diinta Islaamka guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan maagalada Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee Xarakada Al-shabaab ayaa horay waxay u soo burburiyeen Qabuurihii ay ku Aasnaayeen Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku yaalay Gobolada Bay iyo Bakool iyo jubooyinka,waxaana Ummada Soomaaliyeed ay muujinayaan sida ay uga xun yihiin falalka ay ku dhaqaaqday xarakada Al-shabaab, taas oo ka soo horjeeda Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalida.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: