Halkaan ka akhri
Taliyaha ciidanka lugta ee dalka Uganda General Katumba Wamala ayaa shaaca ka qaaday in xalka Soomaaliya uusan ku jirin ciidamo dheeraad ah oo loo soo diro gudaha Soomaaliya, isagoo xusay in loo baahan yahay hanaan ka duwan dhinacaas oo wax looga qabto xaalada Soomaaliya.
Sidoo kale Generalka ayaa sheegay inuu jiro fashil ku yimid Hay’adaha Xukuumada,isagoo ku baaqay in dib loo dhiso hay’adaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya si loo gaaro wax qabad buuxa oo ka duwan mid haatan lagu jiro.
Taliyaha ciidanka lugta ee dalka Uganda Janaral Katumba Wamala oo ka hadlay furitaankii shir looga hadlayo xoojinta Hay’adaha dowlada KMG ee Soomaaliya oo ka furmey Dalka Uganda,kaas oo ay ka qeyb galayaan madax ka tirsan dowlada KMG ah iyo qubaro ka socota beesha caalamka.
Si kasta ha ahaatee hadalka ka soo yeeray dowlada Uganda ayaa ku soo aadeysa xili ciidamo farabadan ay ka joogaan gudaha magaalada Muqdisho kuwaas oo ku lug yeesha dagaalo xoogan oo ka dhaca magaalada.
SomaliSwiss    Kambala
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.