Halkaan ka akhri
Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa waxay soo saartay Warbixin Sanadeed la xiriira sida ay Switzerlanda u maareysay dhaqaale xumidii ka jirtay Caalamka, Hay’addan ayaa waxay ammaan u soo jeedisay sida uu Swissku gacan bir ah Siyaasadda dhaqaalaheeda ugu qabatay.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in Switzerland ay xoogaa tabatay dhaqaala Xumida marka loo eego Wadamada Jaarka la ah oo si aad ah xun ula degtay dhibaatada dhaqaale xumida keentay, sidaas waxaa talaadadii magaalada Berna ka sheegay Claire Waysand oo ah Madaxa Hay’adda Lacagta Aduunka.
Dhaqaale xumadan oo socotay ilaa iyo Bartamihii Sanadka 2009ka, hase ahaatee dhaqalayahaniinta hay’adda lacagta Adduunka waxay caddeeyeen in dhaqaalaha iyo wax soo saarka  Swissku uu kor u soo kacayey 1,5%.
Guud ahaan kama marneyn wa-xoogaa caajis ah iyo cagajiid dhinaca Maalgelinta ah, taasoo mugdi gelin karta kor u kacii yaraa oo waqtigii koobnaa la helay.
Si kasta ha ahaatee Hay’adda Lacagta waxay Swissku kula talisay inay la socoto xooggana ay saarto ogaanshaha dhaqdhaqaaqa Maaliyeed iyo Ganacsiga,hay’adda waxay kaloo ay ku adkeysay in Bankiga dhexe ee Qaranka Switzerland uusan kor u qaadin Canshuuraha lacagta.
SomaliSwiss Swissinfo Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.