DAAWO SAWIRADA KALE
Halkaan ka akhri
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ay kula wareegtay qeybo badan oo ka mid ah Degmadaas, sida xaafadda Casa popolare (KPP).
Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Qeylow ayaa sheegay in shalay ay Dowladda la wareegtay saldhiga Hodan, wuxuuna intaas ku daray  in Xisbul Islam ay ka baxeen Saldhiga ee degmada Hodan.
Sidoo kale Afhayeenka wuxuu xaqiijiyay in ciidamada dowladda aysan waxba gaarin, hase yeeshee Dagaalkan ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu dhex maray ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogaga hubeysan oo dhinaca kale ka soo jeeda.
Balse dhanka kale Madaxa howlgalka ururka Xisbul Islaam Maxamed Cusmaan Caruus ayaa sheegay  in dagaalkii shalay ay iyaga weerarka lagu soo qaaday ayna iska caabiyeen, wuxuu intaa ku daray in khasaare xoogan gaarsiiyeen ciidamo dowladda KMG ah oo uu sheegay inay weerarka ku soo qaadeen, hase ahaatee ma jiro warar madax banaan oo arrintan xaqiijinaya.
Dagaalkan oo la’isku weedaarsaday madaafiic iyo hub kale ayaa waxaa ay saameyn ku yeesheen xaafado ka tirsan degmada Hodan oo qaarkood madaafiic dhowr ah ay ku dhaceen.
Sidoo kale waxaa ka hadlay dagaalkan gudoomiyaha maamulka degmada Hodan ee dowladda KMG oo sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.