Waiirka warfafinta dowladda KMG oo sheegay in heshiiskii ay dowladda la gashay Culumaa’udiinka Ahlu Sunna uu xoojinayo awooda dowladda.

Halkaan ka akhri

Wasiirka wasaarada warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen dowladda KMG ee Soomaaliya iyo culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca uu ahaa mid  xoojinaya awooda dowlada KMG ee Soomaaliya gaar ahaan dhanka ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Sida uu sheegay Daahir Max’uud Geele oo ah Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG ee Soomaaliya oo la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho wuxuu sheegay in wax lagu farxo ay tahay in dowladda KMG ee Soomaaliya ay la heshiisyo garab ka mid ah garabyada ka dagaalama Soomaaliya wallow uusan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ku sheegin in aysan la dagaalamin dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in heshiiskaasi uu noqonayo mid awood buuxa u siinaya dowladda KMG ee Soomaaliya sidii ay u xoojin laheyd awoodeeda militari maadaama sida uu sheegay haatan ay heshiis la qaadatay garab si weyn ula dagaalama dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.

Daahir Geele waxaa uu sheegay in heshiiskaasi uu qeyb ka ahaa balanqaadyo ay dowladda KMG horay u sameysay oo ahaa in dhinacyada Soomaalida ay ku soo biirinayso dowladda KMG ee Soomaaliya si dowladda KMG ay u noqoto dowlad loo wada dhanyahay.

Dhanka kale Wasiirka uu hadalkiisa sii wata waxaa uu ugu baaqay dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda dowlada KMG ee Soomaaliya in ay ku deysadaan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca islamarkaana ay la heshiiyaan dowlada KMG maadaama sida uu sheegay dowladu ay tahaya dowlad dib u heshiisiineed.

Hase yeeshee hadalka Wasiirka Warfaafinta ee dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili dhawaan qaar ka mid Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda kMG ay ka soo horjeesteen heshiiskii 15-kii bishaan Magaalada Addis Ababa ay ku gaareen dowladda KMG iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: