Halkaan ka akhri
War naga soo gaaray magaalada Jeddh ee dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in Sheikh Shariif Sh. Muxudiin Celi oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa ka hadlay bur burinta Qabuuraha Mashaa’ikhda Islaamka ee Soomaaliya, isagoo si kulul u cambaareeyay tallaabada Shabaabku ku bur buriyeen qabrigii Aabihiis.
Sheikh Shariif Celi oo ka hadlayey burburinta Qabuurta wuxuu yiri: “Ficilka Al-Shabaab ay ku bur burinayso Qabuuraha waa mid diinta Islaamka ka soo horjeedo, Siyaartu Qabuurna waa Banaan tahay, Qofkii angga cilmi nagu dhan ha yimaado, Mowlacaasi Diinta Islaamka ayaa lgu faafin Jiray, Mana Jirto cid Qabuuro cabudaysay ee Alle ayaa la caabudaa”, wuxuuna sheegay in kooxda burburiysay Qabuuraha ay yihiin kuwo aan diinta Islaamka garanayn.
Sidoo kale Sheikh Shariif Sheekh Muxudiin Celli oo u waramaayay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegy in dhaqamada Al-Shabaab ay tahay mid aan waafaqsanayn Diinta Islaamka, wuxuuna sheegy in Lafihii Sheekha ay qaateen Al-Shabaab, wuxuuna sheegy iny been tahay in dad Qabriyada Caabudaayay ay Mowlacaasi ku soo arkeen, “Markii madaafiic dhacdo ayay dadka Shubka ka geli jireen, markasey arkeen, waxaasi ma aha diin” ayuu yiri Sheekh Shariif.
“Siyaartu Qabuurna waa Banaan tahay,ayuu yiri Sheikh Shriif, Qofkii annaga cilmi nagu dhan ha yimaado, waxaan dhahayaa wax kasta waxa ay ku dhaceen Qadrta Alle”, wuxuuna intaa ku daray in Mowlca y deganaayee dad aad u dan yar oo uu sheegy inay ka koobnaayeen qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Sheikh Shariif ayaa sheegay in la qaatay dhamaan wixii hanti ah ee tiilay Mowlacaas, isagoo sheegay inuu si aad ah ula yaaban yahay in Hantida dadka Islaamka iyana ma munkaraa, maxay u qaadanaayaan, wuxuuna cdeeyay in Diinta Islaamka ku banaanyn in hntida dadka la dhaco, islamarkaana Qabuuraha Islamka la qoto.
“Dowldda KMG ah ee Soomaliya ayaa laga rabaa in dulinimadaasi ay dadka ka dul qaato, sababtoo ah iyadaa Mas’uul ka saaran yahay, Ahlu Sunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe degan waa dad degan meel cirif ah oo is abaabulay, balse annaga waa nala kor degan yahay, xageen u dhaqaqnaa, Dowladda ayaan ka sugayna inay kooxahasi ka qabto dalka ka qabato, haddii kale iyadaa loogu tagaa fadhigeeda” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Sheikh Shariif.
SomaliSwiss Jeddah
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.