Halkaan ka akhri
Waxaa Waaxda Federaalka ee duulimaadka Rayidka ah ee dalkan Switzerland ay si rasmi ah u shaacisay  in loo oggolaaday diyaarada Boeing Airbus A380 oo ah diyaarada Caalamka ugu weyn badan, ugana qaadis badan inay ku soo degi karto, kana duuli karto diyaaradaas, laga billaabo 28ka bisha Maarso ayna u kala gooshi doonto Zürich iyo Singhapore.
20kii bishii gennayo ee tegtay , ayaa markii ugu horreysay soo caga dhigatay diyaaradan Garoonka weyn ee Zurich-Kloten, waxaana  Imaashaha  diyaarada Boeing Airbus A380 u soo daawasha tagay dad gaaraya 22′000qof oo ka kala yimaaday Degmooyinka Kanton Zürich, waxaana dadkaas loo fasaxay inay soo arkaan qab dhismaha gudaha Diyaarada.
Shirakadda Samaysay Diyaaradan ayaa waxay sheegtay in Diyaaradan Joogeeda uu yahay 24Mitir, dhirarkeeduna uu yahay 73Mitir, dhirirka Baalasheedana ay furan yihiin 80 Mitir, waxayna hal mar ay qaadi kartaa 450 ilaa 853 qof oo Rakaab ah.
Garoonka diyaaradaha Zurich-Kloten ayaa noqotay Garoonka 3aad ee Caalamiga ee soo caga dhigato Diyaarada Airbus A380, hase ahaatee waxaa diyaaradan ilaa hadda u kala gooshtaa wadamada Ingriiska, Faransiiska iyo Singhapore, waxayna ku degtaa Garoomada Londra- Heathrow, Parigi-Charles de Gaulle iyo Zürich- Singhapore, waxayna beddeli doontaa diyaaradda Boeing 777 ee ay leedahay shirkadda Diyaradaha ee Singhapore.
SomaliSwiss Swissinfo Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.