Kooxda Al-Shabaab oo maanta markale burburin kula dhaqaaqay Mowlicii iyo Qabrigii Sheikh Muxiyadiin Celi…

Halkaan ka akhri

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ka warbixisay howl gal qabuuro bur burin ah oo ay ka sameeyeen degmada Kaaraan, iyagoo qabuuraha qaarkood faagey, isla markaana lafihii mashaa’iqda ku shubtay Jawaano.

Cali Maxaa Xuseen oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Banaadir ayaa sheegay in qabuuraha la qodaya laga soo faagayo lafaha Sheikhyada ku Duugan, kuwaasoo uu xusay in meel kale oo ay u qorsheeyeen ay geyn doonaan.

Cali Maxaa Xuseen waxaa kaloo  uu ku tilmaamay in Mowlaca  uu ahaa meel lagu caabudi jiray Sheikh Muxiyadiin Celi, isla markaana shirki ay ku jireen dadkii ku sugnaa Mowlaca, waxaana uu tibaaxay in ay soo faageen Qabriga, waa sida uu hadalka u dhigay.

Cali Maxaa Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri: “Sidaad ujeedaan maanta waxaa la qodayaa qabrigii Sheikh Muxiyadiin Celi, waxaa aragnay dad caabudayay, waxaan ka soo saarnay lafihii ku jiray”.

Qaar ka mid ah wariyeyaashii lagu casuumay goobta qabuuro faagista ka socotay ayaa waxay sheegeen  in ay indhahooda ku arkeen Lafaha Sheikh Muxidiin Celi oo lagu shubayo Jawaano, iyagoona ku qaatay  gaari ay wateen.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa  sidoo kale qabuuro faagis ka sameeyay Masjidka Sheikh Axmed Jaamac oo ku dhex yiilay Masaajidka, waxaana la arkayay qabuuro kale oo dad Hindi ay ku aasnaayeen oo ay sheegteen kooxda Al-Shabaab in ay ahaayeen kuwo mar hore yimid oo halkaas lagu aasay markii ay dhinteen, hase ahaatee qabuurahaas ayaa ahaa qabuurihii Hindida oo xilliyadii nabada ay dalka joogeen lagu aasayay.

Si kasta ha ahaatee maaha markii ugu horeysay  ee kooxda Al-Shabaab  ay  sameeyeen qabuuro faagis, waxaa goor hore ay ka soo faageen qaar ka mid ah gobolada dalka, hase yeeshee maalmo ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale ay u faageen qabrigii Sheikh Xasan Macalin oo ku yaalay deegaanka Barsa ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: