Halkaan ka akhri
Warar aan ka helnay qaar ka mid ah  dadka ku nool xaafadaha waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saakay ay ka dhacayeen dagaalo goobaha ay isku korfadhiyaan Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo xoogaga ka soo horjeeda, gaar ahaan Al-Shabaab.
Sidoo kale warku wuxuu  sheegayaa in dagaalka ay bar bar socdaan madaafiic xoogan, kuwaas oo ku dhacaya xaafadaha lagu dagaalamyo ee ku yaala dhinac waqooyi ee Gobalka Banaadir gaar ahaan xaafadaha C/Casiis iyo kaaraan.
Dhanka  kale  waxaa Saaka dagaalo kooban uu  ku dhexmaray xaafado ka mid ah degmada Hodon Ciidamada AMISOM iyo xoogaga ka horjeeda, waxaana halkaas laga maqlay madaafiicda kala duwan oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac.
Hase yeeshee dagaaladan ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa khasaaraha ugu badan waxa ay ka soo gaaraan dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada, kuwaas oo badankooda ay waxyeeleeyaan madaafiicda labada dhinac ay isku ridayaan.
Dagaalo iyo duqeymo oo galabta ka dhacay Deg. Hodon:
Dagaal  culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Xoogaga ka soo horjeeda ayaa galabta mar kale ka dhacay xaafado katirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Dagaaladani oo ahaa kuwaa aad u xoogan islamarkaana la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta mar kale waxa ay ka dhaceen xaafadaha ku teedsan degmada Hodan ee gobolkani Banaadir iyadoona dagaaladaasi ay u dhaxeeyeeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ay kaabiyeen kuwa AMISOM iyo dhinacyada ka soo horjeeda.
Inta la ogyahay dagaalka galabta ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo 3-ruux oo rayid ah halka ay ku dhaawcmeen 4-kale kuwaasi oo dhamaantood rayid ahaa sida uu Shabelle u sheegay Cali Muuse oo kamid ah Saraakiisha Gaadiidka Gurmadka deg dega ee qaada dadka dhaawacyada ah.
Marka laga soo tago dagaalka foolka foolka ah ayaa dhinaca kale waxaa dagaalka barbarsocday Madaafiic dhowr ah kuwaasi oo ku dhacayay meelo ka baxsan goobaha ay dirirtu ka socotay.
Dagaalkan ayaa waxa uu daba socdaa dagaalo Saakay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku dhaxmaray Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Ururka Xisbul Islaam iyadoona inta badan marka dagaalo ceenkan oo kale ay dhacaan khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.