Gen. Maxamed Nuur Galaal oo sheegay inuu dadaal dheeri ah ku bixin doono sidii gobollada dhexe looga saari lahaa kooxda Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Gen. Maxamed Nuur Galaal oo ku sugan magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa  sheegay  inuu dadaal dheeri ah ku bixin doono sidii Gobollada dhexe looga saari lahaa Al-Shabaab oo dagaal kula jira Ahlu Sunah, Gen. Galaal oo  ka mid ahaa Saraakiishii hore Ciidamadii Milateriga Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha Siyaasadeed  iyo dagaalada ka Socda dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Gen. Galaal  wuxuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in dhowaan Gobolka dhexe oo dhan laga xoreeynayo kooxaha magac diimeed wata.

Gen. Galaal  oo arrintaas ka haslayey wuxuu  yiri: “Aniga wixii fikir ah iyo qibrad ah waxaan diyaar u ahay inaan siiyo Ciidamada Ahlu Sunah oo ah Ciidamo si weyn ugu babac dhigay kuwa la baxay Shabaab iyo Xisbul Islaam”, wuxuuna intaa uu raaciyey inuu ka qeyb qaadanayo sidii looga saari lahaa Gobolka oo dhan Kooxahaas.

Dhanka kale Generaalku wuxuu sheegay in dhowaan ay dajin doonaan istiraatiijiyad cusub oo uu sheegay in ay noqon doonto mid dhabarka loogu jebiyay kooxahaas, isagoo xusay in Ciidamada Ahlu Sunah ay heegan u yihiin.

Hase yeeshee Galaal wuxuu  caddeeyey  in loo baahan yahay in Dowladda KMG ay taageerto Ciidamada Ahlu Sunah, isla markaana wixii howl-fududeyn ah ay siiso, maadaama ay yihiin Ciidamada kaliya ee ka adkaan karta kooxaha ku qarabanaya magaca diinta.

Sida lagu soo warramay  in Gen. Galaal uu maalmihii la soo dhaafay ka waday Gobolka Galgaduud kulamo dhinaca Milateriga ah  ayaa wuxuu yiri: “Waan ku niyad samahay in nimankaan Galgaduud oo dhan laga xoreynayo, loona ruuqaansado Hiiraan iyo Sh/Dhexe”.

Si kasta ha ahaatee Xarakada Alshabaab ayaa la sheegay in ay  dagaalo adag kula jirta Ahlu Sunah Waljamaacah,  waxayna dhankooda quudareynaya in ay weeraro ku qaadaan deegaanada ay maamulaan Ahlusunnah, iyadoo sidoo kale uu Madaxa Al- Shabaab ee G/ Galgaduud  Yuusuf Kaba Kudukade uu ku hanjabay in dhowaan qabsan doonaan Gobolka oo dhan.

Balse lama oga sida Gen. Galaal istiraatiijiyad u soo bandhigay Ahlu Sunah uga suurta geli karto in ay isku ballaariso Goboladaas, inkastoo ay jiraan qorshe milateri oo ay isla wadaan iyaga iyo Dowladda KMG, kaasoo duulaano ballaaran loogu qaadayo dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda KMG ah.

SomaliSwiss     Guriceel

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: