Afhayeenkii hore ee maamulka Islaamiga Kismaayo Sheikh Xasan Yacquub oo ka carooday xilkii laga qaaday oo tagay Muqdisho…

Halkaan ka akhri

Qaar ka mid ah Shabakadaha Afsoomaaliga ku baxa ayaa waxay Saaka qoreen in Afhayeenkii hore Maamulkii Islaamiga Kismaayo Sheikh Xasan Yacquub uu  yimid magaalada Muqdisho, taasoo la sheegay inuu ka soo carooday xil ka qaadistii lagu sameeyay todobaadkii la soo dhaafay, iyadoo taa bedelkeed loo magacaabay xilka Madax Maktabka Dacwada.

Sidoo kale Imaanshaha Sheikh Xasan Yacquub  magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, ayaa la sheegayaa inuu ka soo baxayaan warar is burinaya oo ku aadan khilaaf u dhaxeeya Maamulka Magaalada Kismaayo.

Sida lagu soo warramay ma ahan keliya khilaafkaas ee waxaa arrinta sii wehliya khilaaf dhanka dhaqaalaha ka soo xarooda Dekeda oo mudooyinkii u dambeeyay taagnaa, waxaana tani loo sababeynayaa isku shaandheyntii lagu sameeyay Maamulkii Jubooyinka oo xubno cusub oo aan u dhalan goboladaas lagu soo biiriyay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa  in Sheikh Xasan Yacquub uu Shabaabka dhexdiisa ka dhex abuuray fitno dhinaca afka ah, taasoo ka dambeeysay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xilkiisa Afhayeenimo loo qorsheeyay in loo magacaabo qof kale oo Ciidamada Al-shabaab ka mid ahaa.

Sida la wada ogsoon yahay Sheikh Xasan Yacquub ayaa ku soo caan baxay dagaaladii Al- Shabaab ku qabsadeen magaalada Kismaayo sanad iyo bar ka hor, isagoo durba noqday ragga miisaanka ku leh Shabaab, inkastoo haatan uu ka hor yimid xil ka qaadistaas lagu sameeyay

Inkastoo uu jiro Khilaafka dhanka maamulka Kismaayo ayaa  haddana sii horseeday markii habeennimadii dorraat  lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Al-Shabaab oo ahaa Taliyihii Ciidamada Dhoobley, kaasoo dilkiisa ay salka la gashay arrimo beeleed.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: