Halkaan ka akhri
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheikh C/qaadir Cali Cumar ayaa ku nuux nuuxsaday in ay wadaan qorshihii ay kula wareegi lahaayeen guud ahaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Sheikh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in xoogaga ka soo horjeeda ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay qorsheynayaan in ay dib ula wareegaan Caasimada dalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa mar labaad imaatay, Kadib markii dhowaan ay Dowladda KMG ku fashilantay qorshe ay ku dooneysay in ay ku qabsato Caasimada Soomaaliya, dagaaladii ka dhacay W/Muqdisho, balse haatan ay Dowladda mar kale isu diyaarineysaa duulaan ballaaran oo guud Caasimada uga saareyso qolyaha Mucaaradka.
Sida la wada ogsoon yahay Dagaaladii dhowaan ka dhacay Waqooyiga Muqdisho  ayaa waxaa hogaaminayey Taangiyo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Uganda ayaa guusha duulaankaas noqon mid mira dhashay, kadib markii Ciidamada Uganda goobihii ay qabsadeen dib uga soo baxeen, isla markaana Ciidamadii Dowladda KMG ah ay dib ugu soo noqdeen Cabsi ay ka qabaan xoogagga Mucaarad awgeed.
Sida uu sheegay Wasiirka arrimaha Gudaha ee Dowladda KMG Soomaaliya  in ay doonayaan in shacabka ay dhibaatada ka saaraan, islamarkaana ay doonayaan in ay ku soo celiyaan dalka kala daynbeyntii iyo sharcigii sida uu sheegay C/qaadir Cali Cumar.
Dhanka kale Sheikh C/qaadir Cali Cumar ayaa Shacabka ugu baaqay in ay gacan ku siiyaan la wareegida guud ahaan dalka Soomaaliya, isagoona ku celiyay in ay haatan diyaar garowgii ugu danbeeyay ay ku jiraan sida uu hadalka u dhigay.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ciidamada Brundi ay hogaamin doona howl galkan cusub, iyadoo Ciidamada lagu tilmaamay kuwa ka ad-adag Ciidamada Uganda, hase ahaatee Ciidamada Uganda ayaa  la sheegay in ay diideen in fariisimo ka sameystaan W/Muqdisho.
Si kasta ha ahaatee lama garanayo sida uu noqon doono  qorshaha cusub oo la sheegay in diyaarintiisa ay wali socoto u guuleysan karo, xilli marar badan oo Ciidamada AMISOM duulaano ku qaadeen deegaanada waqooyiga ay ka saareen Mucaaradka, hadana ma noqon goobahaas ay ku negaadaan Ciidamada Dowladda KMG ah.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.