Qof Soomaali ah oo heysta dhalashada Australia, loona heystay eedeymo argagixisanimo oo ka baxsaday Boliiska dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

War uu noo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee dalka Kenya ayaa sheegaya in qof Soomaali ah oo heysta dhalashada wadanka Australia, loona heystay eedeymo argagixisnimo ayaa ka baxsaday Ciidamada  Booliska wadanka Kenya, Sidaas Waxaa maanta laga sheegay  idaacadaha ku yaala wadanka Kenya.

Qofkan Soomaaliga  ah oo heystay dhalashada wadanka Australia ayaa  lala xiriirinayey inuu lug kula jiray howlo argagixisnimo, waxaana lagu hayey saldhig ay leeyihiin ciidamada Booliska oo ku yaala gudaha wadanka Kenya halkaasoo la sheegay in uu ku xirnaa in muddo, kadibna ka baxsaday.

Sidoo kale Saraakiiha Waaxda socdaalka ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ninkaasi ay ku qabteen deegaan xuduudeedka lagu magacaabo Busia  oo ku yaala galbeedka Kenya horaanta bishan, waxaana lagu soo eedeyay ninkaasi in uu watay baasaboor been abuur ah.

Inkastoo, eedeesanaha Soomaaliga ah la sheegay in uu maanta ku guuleystay in uu ka baxsado xarun Boolisku ay leeyihiin oo ku taala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaasi oo lagu wadey in ay gaaraan saraakiil ka tirsan ciidamda booliska ee la dagaanka argagixisnimada si ay su’aalo u weydiiyaan.

William Okello oo ka mid ah Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in ay baaritano ku hayaan qaabka uu ninkaasi ku baxsaday.

Si kasta ha ahaatee waxaa wali lagu shaacin magaca Ninkaas Soomaaliga ah, balse  wargeyska ugu afka dheer dalka Kenya Daily Nation waxa uu sheegay in ninkasi looga shakisan yahay inuu la shaqeynayey xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta wadanka Soomaaliya.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: