Halkaan ka akhri
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa maanta socdaal ku gaaray Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, wuxuuna halkaas ku qabtay shir jaraa’id oo uu uga waramay warbixin dhowaan ka soo baxday Qaramada Midoobay oo isaga si gaar ah loogu eedeeyey.
Sida la sheegay War bixintan ayaa waxaa ku qornaa eedeymo loogu soo jeediyay xubno mas’uuliyiin ah oo uu ka mid yahay Madaxweynaha maamul  Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole.
Dhanka kale waxyaabihii lagu eedeeyay M/weyne Faroole ayaa waxaa ka mid ahaa inuu maal geliyo burcad badeeda; hase yeeshee  M/weyne Faroole, wuxuu  cambaareeyay Guddigii soo qortay Warbixintaa, isagoo ku tilmaamay warbixintaasi mid been abuur ah.
Madaxweyne Faroole waxaa uu sheegay, haba yaraatee in aan waxba ka jirin oo sal aan laheyn eedeymaha ka soo baxay QM ee arrimaha Soomaaliya.
Sida Warbaahinta Maalmul Goboleedka Puntland ay sheegeen in Socdaalka Madaxweynaha maamulka Puntland uu maanta ku tagay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan maamulkiisa, iyagoo kulamo la qaadanaya mas’uuliyiin iyo waxgarad ka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
SomaliSwiss   Nairobi
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.