Maamulka gobalka Banadir oo amar ku soo rogay dadka deggan xaafadaha ku xeeran garoonka diyaaraha Muqdisho iyo cabasho ka soo yeertay…

Halkaan ka akhri

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa  Amar ku soo rogay Dadka deggan xaafadaha ku xeeran Garoonka diyaaraha magaalada Muqdisho, hase yeeshee dadweynaha ku dhaqan xaafadahaas ayaa ka cabanaya amar kaga yimid maamulka Gobalka Banaadir ee Dowlada KMG ah oo ahaa in ay isaga guuraan deegaanada ku dhow Garoonka.

Dadweynuhu waxay sheegeen in ay ka xun yihiin amarka ka soo baxay dowlada KMG ah ee ahaa in ay xaafado Afisooni iyo deegaanada ku xeeran garoonka waxay sheegeen in wax lala yaabo ay tahay in lagu amro in ay guryohooda ka guuraan.

Hase yeeshee dadka deegaankaas ayaa sheegay in ay ka codsanayaan maamulka Gobalka in ay u turaan, islamarkaana ay ka laabtaan amarka ay ku amreen in halkaas laga guuro waxaana maanta ku eg mudadii loo qabtay dadkaas in ay halkaas isaga guuraan.

Sidoo kale dhawaan ayay ahayd markii maamulka Gobalka Banaadir uu amar ku bixiyay in laga guuro deegaanada ku dhow garoonka diyaaradaha, iyagoo ku andocooday in xaafadaas laga maleegayo falal amaan xumo.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: