Halkaan ka akhri
Qof qaxooti doon ahaa oo dhalashadiisa lagu sheegay inuu ahaa Nigeriayaan ayaa dorraat ku dhintay Garoonka Diyaaradaha ee Zürich- Kloten, qofkan ayaa la sheegay in codsigii qaxootinnimo loo diiday, ka dibna ay dowladda Swisska go’aansatay in dib loogu celiyo dalkiisa, balse waxaa nasiib darro ah in waqti yar oo la doonayey in la saaro Diyaarad gaar ah oo la rabay in lagu geeyo magaalada Lagos ee dalka Nigeria.
Hase ahaatee qofkan oo laga tarxiilayey dalka Switzerland gaar ahaan magaalada Zürich ayaa dà diisa ahayd 29 Sano-Jir, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Boliiska Kanton Zürich.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Boliiska in qofkan uu maalmo badan uu diiday  inuu Cunto Cuno, hase yeeshee waxaa la caddeeyey inuu u adkeystay Gaajadii haysay, sidoo kale markii loo soo qaadayey dhinaca Garoonka Diyaarada ee Kanto Zürich ayaa la sheegay in Boliisku ay jeebeeyeen, balse waqti yar kadib qofkan la tarxiilayey wuxuu la kulmay Caafimaad darro, sidaas darteed Boliiskii la socday waxay dereemeen in qofkan uu fiicneyn Caafamaadkiisa waxa ka fureen Jeebadihii ay ku xireen, waxayna u waceen shaqaalaha Caafimaadka ee Garoonka, balse waxaa Nasiib darro ahayd in qofkii uu ku dhintay gudaha Garoonka Diyaarada ee Zürich.
Sida ay la sheegeen Boliiska in  Ninkan 29tan jirka ahaa uu horay u galay falal denbiyadeed la xiriira ka ganacsiga Maandooriyaasha ka mamnuuca ah dalka Switzerland, sidaas awgeed uu Swissku go’aansaday in la tarxiilo qofkan iyo 15 qof kale oo saaxiibadiis ah, oo dhammaantood loo diiday in laga aqbalo Codsiga araajidii ay u soo qorteen in loo qaabilo qaxooti ahaan, hase yeeshee Xafiiska Waaxda Socdaal ee Federaalka Swisska  uga qaabilsan ay dib ugu soo celisay Jawaab diidma ah.
Si kasta ha ahaatee markii ay dhacday arrinta ayaa Waaxda Socdaal ay ku dhawaaqday in la joojiyo dhammaan duulimaadyada gaarka ahaa ee dadka araajiyadooda la diiday ee Tarxiilka ahaa ilaa amar danbe kale ka soo baxayo, sidoo kale Waaxda Socdaalka ayaa shaacisay in baaris ay ku socota maydka qafkii dhintay, waxaana gacanta ku haya Dhaqaatiirta sharciga ah iyo  hay’adda daawooyinka Sharciga ah ee Kantan Zürich.
SomaliSwiss Swissinfo
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.