Halkaan ka akhri
Askari katirsan Ciidamada Ururka Xizbul Islaam ee Degmada Afgooye ayaa rasaas ku furay gaari Rakaab ah oo ay la socdeen dad shacab ah oo xiligaasi ku sii jeedeen Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose.
Hase ahaatee waxaa rasaastii uu furay Askarigaas ku geeriyootay Haweeney ka mid ahayd rakaabkii la socday gaariga, sida la sheegay askariga ayaa amray wadihii gaarigaasi in uu joojiyo gaariga, kadibna uu rasaas ku furay, markii ka dhega adeegay amarkaas.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Haweeneydii geeriyootay loola cararay Isbitaalka Afgooye iyadoo dhaawac halis ah qabto, balse markii danbe u geeriyootay dhawaca rasaastaasi oo meel halis ah ka heleeshay.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Amaanka Ururka xizbul Islaam Degmada Afgooye oo joogay meel aan goobtaas ka fogayn ayaa durbadiiba gacanta ku soo dhigeen Askarigii Gacan ku dhiiglaha ahaa ee falka dilka ah u geystay Haweeneydaasi ka midka ahayd dadkii rakaabka la socday garigaasi.
Hase yeeshee dadka ku nool degmada Afgooye iyo dadka raaca gaadiida BL ka isaga goosha Muqdisho iyo Afgooye ayaa walaac ka muujiyeen rasaasta Ciidamada Ururka xizbul Islaam la beegsadaan gaadiidka BL ka ah marka muran soo kala dhex galo wadayaasha gaadiidkaasi iyo Ciidamada ururka Xizbul Islaam ee maamulaan deegaanadaasi.
Sida runta ah ma ahan markii ugu horaysay Askari ka tirsan Ciidamada Ururka xizbul islaam rasaas ku furo gaadiid rakaab la socdaan isla markaana ka dhashaan dhimasho iyo Dhaawac soo gaara dadka rakaabka ah ee la socda gaadiidkaas ama wadayaasha.
SomaliSwiss Afgooye
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.