Dhaq-dhaqaaqyo dagaal iyo amaan sugid oo ka socota gobolka Galgaduud.

Halkaan ka akhri

Dagaal dhexmaray kooxaha Al shabaab iyo Xizbul Islaam.

Waxaa lagu soo warramayaa  in deegaanka Garabla oo ka tirsan Gobalka Galgaduud uu ka dhacay dagaal xoggan oo u dhexeeya xoogaga Al shabaab iyo xizbul Islaam ayaa sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya halkaas, in dagaalka uu bilowday ka dib markii ay isku qabteen gacan ku haynta deegaankaas oo markii hore ay maamuli jireen ururka Xizbul Islaam.

Sida uu sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka in Tuulada Garabla ay la wareegeen Xarakada Al shabaab, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah askartii xisbiga.

Dhanka kale Xaalada magaalada Garabla ayaa haatan degan waxaana gacanta ku haya Ciidanka Al shaabaab lamana oga halka ay u dhaqaaqeen Ciidamadii iyo maamulkii Xizbiga ee halkaas gacanta ku hayay.

Degmada Caabudwaaq oo xalay Bandow lagu soo rogay.

Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud ayaa xalay waxaa ka dhaqan galay bandow ay soo rogeen maamulka Culimada Ahlusunna waljamaaca ee gacanta ku haya magaaladaas.

Sidoo kale waxaalagu waramayaa inBandowga uu bilaabanayay 9 fiidnimo ilaa 12 ka subaxnimo, waxaana bandowgaas barbar socday howlgalo ay ciidamada amaanka ka sameynayaan xaafadaha kala duwan ee degmada Caabudwaaq.

Wararka ayaa sheegaya in ay gacanta ku dhigeen ciidamada Nin ganacsade ah oo magaaladaas si weyn looga yaqaano, hase ahaatee  lamana sheegin sababaha Ninkaas loo xiray.

Si kastaba ha’ahaatee Ciidamada maamulka Ahlusunna ee Gobalada dhexe ayaa marar badan bandow ku soo rogay magaalada Caabudwaaq ee Gobalka galgaduud, iyadoo maamulka ay ku sheegeen in lagu xoojinayo amaanka.

SomaliSwiss Gobollada Galgaduud

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: