Halkaan ka akhri
Degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Al-Shabaab oo isku haya gacanku haynta Gobalada jubooyinka.
Wararka ayaa sheegaya in ay ciidamo daacad u ah Axmed madoobe ay weerar ku soo qaadeen Degmada dhoobley oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab waxaana halkaas ka dhacay dagaalo aad u culus.
Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalka uu ahaa mid aad u qaraar islamarkaana labada dhinac ay isku dhaafsadeen hubka noonyadiisa kala duwan, iyadoo aan la cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.
Dhanka kale waxaa sii  xoogeysanaya xiisadaha u dhaxeeya kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, iyadoo Xisbul Islaam ku adkeysaneyso inuu wali ka tirsan yahay Axmed Madoobe ciidamadooda, halka Al-Shabaab ku tilmaameen inuu ridoobay.
Balse ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee dagaaladu ka dhexeeya Al-Shaabaab iyo axmed madoobe oo ka tirsan saraakiisha Ururka Xizbul Islaam.
Si kastaba ha ahaatee dagaalkii xalay ka dhacay Dhoobley ayaa qeyb ah dagaalo soo noq noqday oo ka dhacayay degmadaas, waxaana uu ahaa weeraro ay soo qaadayeen ciidamada Axmed Madoobe oo dhowr jeer la wareegay deegaankaas, kadibna isaga baxay
SomaliSwiss  Kasmaayo
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.