Halkaan ka akhri
Dagaal ka dhacay Degmada Hodon:- Waxaa manta wa-xoogaa degan xaafadaha degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ka dib dagaalo xogan iyo duqeymo ay Maqrabadii xalay  halkaas ka dhaceen, waxaana saaka deegaanadaas laga dareemayaa deganaan aan la ogayn inta waqti ah ay qaadan doonto.
Hase ahaatee dadka ku dhaqan xaafadaha Degmada Hodon ayaa sheegaya in xaafadahaas ay ka jirto xasilooni ka dib duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay xaafadaas waxaana jira khasaarooyin ka dhashay duqeynta iyo dagaalada is daba socday.
Sidoo kale dagaalka iyo duqeynta xalay ka dhacday degmada Hodon gaar ahaan xaafadaha taleex iyo agagaaraha fagaaraha tarbuunka ayaa lagu waramayaa inuu dhexmaray ciidamada Xizbul Islaam iyo Ciidamada Dowlada KMG ah oo gacan ka helaya ciidamada AMISOM.
Si kastaba ha’ahaatee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo laab laabta dagaalada iyo duqeymaha u dhexeeya xoogaga isku haya awooda iyo maamulka dalka Soomaaliya
 Howlgalo ciidamada dowlada KMG
Dhanka kale Ciidamada dowladda KMG ayaa saaka howlgal baaritaan ah ka bilaabay jidka Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho,iyadoo ciidamada ay baaritaano ku sameynayaan gaadiidka kala duwan ee halkaas isticmaala.
Waxaa la arkayay Saaka aroortii hore ciidamada Boliiska doowlada KMG ah oo baaritaan ku sameynaya gaadiidka dadweynaha iyo noocyada kale ee sida gaarka ah loo leeyahay
Baaritaanka ay Ciidamada dowlada ka wadaan wadada Makka Al-mukarrama ayaa qeyb ka ah Howlgalo ciidamada dowladda ay ayaamahanba ka wadeen magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka ay dowlada gacanta ku heyso.
Hase yeeshee  afhayeenka booliska Dowlada KMG ah ayaa horey u sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ay ka wadaan degmooyinka Gobalka banaadir inta ay ka xaqiijinayaan amaankooda.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.