Halkaan ka akhri
War naga soo gaaraya degmada  Xadka ah kalabayr ee Gobalka Hiiraan in Ciidamo farabadan oo Ethiopiyaan ah ay dhaq dhaqaaq Ciidan ka wadaan deegaanka kalabayr ee Gobalka Hiiraan oo ay soo gaareen maalmo ka hor, iyadoo ciidamadaEthiopia ay wehliyaan ciidamo taabacsan dowlada KMG ah.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia oo aad u hubaysan ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan xuduuda Gobalka Hiiraan iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada ay baaritaano ku sameynayaan dadka la socda gaadiidka xamuulka ah.
Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada KMG ah ay doonayaan in ay fariisimo ka sameystaan deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan, islamarkaana ciidamada Ethiopia ay taageero ku siinayaan arintaas.
Si kastaba ha’ahaatee Ciidamada Ethiopia ayaa marwalba ku soo laab laabta deegaanada ku dhow kalabayr ee gobalka Hiiraan, iyagoo halkaas fariisimo ka sameysta
SomaliSwiss  Baladweyne
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.