Halkaan ka akhri
Wasiirka Maalgashiga iyo Jaaliyadaha ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in shuruuc gaar ah ay dowlada u sameynayso Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Dibadiisa.
C/llaahi Axmed Azhari oo Dowlada KMG ee Soomaaliya uga qaabilsan arrinaha Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Dibadiisa ah oo haaran ku sugan wadanka Ingiriiska oo Xalay la hadlayay Saxaafada ayaa waxaa uu sheegey in dowladda KMG ee Soomaaliya ay ku howlantahay Sharci loo sameynayo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Dibadiisa.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegey in Sharcigan ay haatan Wasaarada Jaaliyadaha iyo Maalgashiga ee Dowlada KMG ay  qoristiisu  wado uu yahay mid u gaar ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee iyagu ku sugan dalalka Caalamka gaar ahaana dadka Soomaaliyeed ee ku nool qaarada Yurub, wuxuuna tilmaamay in Sharcigan uu ku saleynayaan Dhaqanka suuban ee Soomaalida ay leedahay iyo sidoo kale in ay ku saleyndoonaan Diinta Islaamka sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay in wadatashiyo ay kala sameyn doonaan sameynta sharcigan qaar ka mid ah wadamo uu xusay inay horay u degsan.
Dhanka kale Wasiirka wuxuu sheegay in iminka uu ka bilaabay dalka Ingiriiska la  tashanayo sameynta Sharciga isagoo xalay magaalada Landan kula kulmay qaar kamid ah dadka Soomaalida ee halkan ku dhaqan , wuxuu intaasi raaciyay in marka la sameeyo sharcigan la horgeyna doono Golaha Wasiirada Xukuumada KMG ee Soomaaliya iyo Barlamaanka si loo meel mariyo Sharciga iminka diyaarinstiisu ay ku howlantahay Wasaarada Maalgashiga iyo Jaaliyadaha ee Dowlada KMG Soomaaliya.
Sida aad la wada socotaan Wasiirka ayaa waxa uu ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya u soo raacay dalka Ingiriiska, balse uu ku soo haray dalka Ingiriiska si kulamo uu ula qaato Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan dalka Ingiriiska gaar ahaa magaalada Caasimada ee Lonton.
SomaliSwiss   London
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.