Halkaan ka akhri
Roobab xoogan oo mahigaan ah oo dadka Duunyadu ku diirsadeen ayaa wuxuu saacadihii la soo dhaafay ka da’ay deegaano ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay laga sheegayey inay jirtay xaalad biyo la’aan.
Sidoo kale Dadka badan oo deegaanada roobabku ay ka da’een u barakacay ayaa waxaa ay sheegeen inay si weyn ugu faraxsan yihiin ayna ku diirsadeen raxmada Alle uga gaargaaray.
Sida lagu soo warramay roobabkan ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo xoogan oo xalay ilaa goor dambe ka da’ayay degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda, mana jiro qasaare la soo sheegay inay geesteen marka laga reebo hal wado oo biyo ay galeen oo xanibantay.
Degmada Tooratoorow ayaa ka mid ah meelaha ay Roobabkan ka curtay waxaana la sheegay in si fiican ugu biyo dhigay, isla markaasna ay Baliyada ku yaala halkaasi si wanaagsan u biyo galeen, iyadoo deegaanadaasina ay kamid ahaayeen goobaha ugu daran oo sida weyn ay ugu jirtay Abaaraha iyo biyo la’aanta haraysay dadka iyo Duunyada nawaaxigaas ku dhaqan.
Roobabkan ka curtay qeybo kamid ah gobolka Sh/hoose ayaa la xaqiijiyay in ay yihiin Roobab ka soo hordhacay xili roobaadka Gu’ga oo fooda inagu soo hayo iyadoo 3-dii Sano ee ugu dambeysayna aanu guud ahaanba gobolka Sh/hoose ka da’in Roobab lixaad leh taasi oo saameyn xoogan ku yeelatay nolasha dadka iyo Duunyada ku dhaqan gobolka Sh/hoose.
Ugu danbeyntii ilaa haatan waxaa roobab ka da’een xilligan Saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose, waxaana horay ay roobab lagu diirsaday uga da’een degmada Wanlaweyn.
SomaliSwiss   Afgooye
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.