Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo uga baaqay dowladda in Baarlamaanka la soo marsiiyo Mucaawanooyinka la siiyo dowladda KMG.

Halkaan ka akhri

Gudoomiye ku xigeenka golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa ugu baaqay hogaanka sare ee dowladda KMG in baarlamaanka la soo marsiiyo hey’adaha bixiya deeqaha loogu tala galay Soomaaliya.

Sidoo kale Prof. Dalxa ayaa wuxuu sheegay inay doonayaan inay si toos ah uga war qabaan howsha ay qabtaan iyo inta ay la egtahay deeqaha ay bixiyaan hey’adahaasi.

Gudoomiye ku xigeenku wuxuu mar kale ugu baaqay madaxda dowladda KMG in ay hir geliyaan codsidan ku aadan in hey’adaha taakuleeya dowladda KMG ay soo maraan baarlamaanka si ula jaan qaado howsha ay hayaan hey’adahaasi.

Baaqan ka soo baxay hogaanka sare ee baarlamaanka dowladda KMG ayaa waxaa uu yimid xilli wax is-daba marin lagu eedeeyay xubno ay ka mid yihiin madaxda dowladda KMG, inkastoo eedeymahaasi ay si weyn uga dhiidhiyeen madaxda dowladda KMG.

Hase yeeshee Prof. Dalxa oo haatan ah ku simaha gudoomiyaha baarlamaanka ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in looga baahan yahay madaxda dowladda KMG inay ogolaadaan oo hey’adaha taakuleeya dowladda la marsiiyo golaha baarlamaanka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: