Kooxda Al-Shabaab oo sheegtay in wiil heystay dhalashada dalka Kanada uu uga geeriyooday dagaaladii ay la galeen ciidanka dowladda.

Halkaan ka akhri

Kooxda Al-Shabaab oo Cajal maqal ah ku faafisay bogga internet-ka  ee YouTube, waxaa ay ku caddeeysay in wiil Soomaali ah, balse heystay dhalashada wadanka Kanada uu ku geeryooday dagaal Muqdisho kudhex maray kooxda Al-Shabaab iyo ciidammada dowladda KMG Soomaaliya .
 
Kooxda Al-Shabaab ayaa magaca wiilka waxaa ay ku soo koobtay Muxamed Al-Muhaajiri, balse wargeyska Globe and Mail ee ka soo baxa dalka Kanada ayaa qoray in wiilkan ku dhintayMuqdisho lagu magacaabo Maxamed Cilmi Ibraahiim, uuna arday ka ahaa jaamacadda Toronto ee dalka Kanada.
 
wargeyska Globe and Mail ayaa waxaa uu intaa ku daray Sanad ka hor in uu Maxamed Cilmi Ibraahim ka tagay dalka Kanada, markaasoo uu Maxamed sheegay in uu Xajka aadayo, balse uusan dib ugu laaban Kanada.
 
Farriinta kooxda Al-Shabaab ay ku baahisay Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in looga baahan yahay dhalinyarada kale ee ku dhaqan Kanada in ay ku daysadaan Maxamed Cilmi oo ku Shahiiday dagaalada ay ka wadaan Soomaaliya, ayna ku soo biiraan Mujaahidiinta dagaalka ay kula jiraan gaalada, sida ay hadalka u dhigeen.
 
Idaacadda “Radio Canada” ayaa ku warrantay in ugu yaraan 5 dhalinyaro ah ay isku xaafad ahaayeen Maxamed Cilmi Ibraahim, iyagana la rumeysan yahay in ay Soomaaliya u safreen  ayna ka barbar dagaalamaan kooxda Al-Shabaab ee ay dowladda Kanada ku dartay Liiska Argagixisanimo.
 
SomaliSwiss Muqdisho
 
%d bloggers like this: