Halkaan ka akhri
Golaha Shuurada Culumaa’udiinka Ahlus Sunah Walmaacah ayaa soo dhoweeyay qodobadii ka soo baxay shirkii Culimada Caalamka Islaamka dhowaan ugu soo gaba gaboobay magaalada Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, kaasoo fatwo ku aadan xaalada Soomaaliya laga soo saaray.
Bayaanka ka soo baxay Golaha shuurada ee Ahlu Sunah ayaa lagu sheegay in ay aad u taageersan yahay qodobada wax ku oolka ah ee xalka u ah xaalada Soomaaliya, iyadoo Culimada Islaamka Caalamka ugu baaqay in xaalada murugsan ee Soomaaliya wax ka qabtaan.
Sidoo kale Golaha Shuurada Ahlu Sunah ayaa sheegay in dagaalada Soomaaliya ka socda aanay aheyn Jihaad, isla markaana ay horay uga soo saareen muxaadarooyin wacyi gelin ah, iyagoo soo dhoweeyay in Culimada Islaamka ay go’aan cad ka qaataan xaalada Soomaaliya iyo kooxo diimeedyada dhibaatada ka wada.
Dhanka kale Bayaanka Culimada ayaa lagu cadeeyay in umada Soomaaliyed ay  yihiin 100% umad muslimiin ah, ayna yihiin umad isku af iyo isku dhaqan ah, waxaana ay ka soo horjeesteen in umada la kala qeybiyo oo qaarkood la gaaleysiiyo, iyadoo bayaanka Culimada uu si gaar ah uga hadlay qodob ka mid ah shirkaas oo ahaa in kooxaha dagaalada wada ay Riddo ku tilmaameen dowladda Islaamiga ee soomaaliyed.
Maanta oo jimcaha ahayd  salaada Kadib ayaa waxay bayaanka Culimada ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay tahay dowlad islaami ah, ayna xaaraan tahay in dagaal lala galo, waxaana ay sheegeen in kooxaha magaca diimeed wata ay yihiin kuwo fikrado shisheeye soo geliyay dalka, isla markaana wada waxyaabo ka baxsan shareecada islaamka, sida in la dilo qof muslim ah, hantidiisana la boobo.
Maalmihii ugu horreeyey ee Toddobaadka ayaa waxaa magaalada  Dubai ka dhacay Shirka ay soo qaban qaabiyeen Golaha Caalamul Islaam, oo loogu magac daray Xikmada Shareecada Islaamka iyo Soomaaliya ayaa ahaa mid Culimada ay ku dheeraadeen in dagaalada ka socda Soomaaliya aanay jihaad aheyn, isla markaana kooxaha dagaalada wada aanay mujaahidiin lagu tilmaami karin.
Abdalla Bin beyyah, ayaa wuxuu Shirkaas shir guddoomiye ka Wadaadka Caalimka ah ee waxaa goobjoog ka ahaa oo kasoo qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Sudan C/raxmaan Suwaara Dahab, Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Axmad Walad Cabdalla iyo guddoomiye ku xigeenka ururka Mu’tamarka islaamka Ambassador Cabdalla Caalim iyo guddoomiye kuxigeenkii Golaha Shuurada Dalka Boqortooyada Sacuudiga Dr.Cadalla Nasiif., iyadoona Culumaa’udiin Soomaali ah oo ay ka mid yihiin Sheikh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheikh Yuusuf Cali Ceynte ay ka qeyb galeen.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Muqdisho, SomaliSwiss | Tagged: Mogadishu |
You must be logged in to post a comment.