Halkaan ka akhri
Ciidamada Badda Wadanka Holland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Burcad badeed hubeysan oo Soomaali ah, waxaana Warkaas la ga soo xigtay Wasaarada Gaashaanidhiga ee dowlada Holland oo si rasmi ah shaaca uga qaaday in Ciidamada badda Holland ee howlaha la dagaalanka burcad badeeda Somalida u jooga biyaha Soomaaliya in Arbacadii la soo dhaafay ay gacanta ku dhigeen islamarkaana ay hubka ka dhigeen ilaa iyo 13-qof oo looga shakisanyahay Burcad badeed in ay yihiin xilli isla todobaadkaan gudihiisa ay xirtay ilaa iyo 9 Burcad badeed Soomaali ah.
Sida ay sheegtay Wasaaradu in Burcadda la qabtay ay wateen Doon weyn iyo labo Doon oo yar yar gaar ahaan kuwa dheereeya, iyadoona Wasaaradu ay tilmaantay in markii la qabanayay Burcaddaas ay marayeen meel 400-KM koonfur Galbeed kaga beegan Jasiirada Siishalis.
Afhayeen u hadlay Wasaarada Gaashaandhiga ee wadanka Holland oo magaciisu lagu sheegay Marlos Fisar ayaa tcaddeeyey  in burcaddu aysan wax hub ah ay ku qabanin wuxuuna intaa uu raaciyey in hubka ay wateenBurcada ay badda ku daadiyeen kadib markii ay ogaadeen in  xaaladu ay ku xumaatay.
Sidoo kale Wasaarada Gaashaandhiga Holland ayaa sheegtay in burcad badeeda ay qabqabatay ay ku xirtay Doonta weyn oo kamid ah Doomaha ay wateen ,iyadoona Ciidamada Badda ee dalkaasi ay bur buriyeen Labo Doon oo kale oo ay wateen Burcad badeeda Soomaalida.
Dhanka kale dowlaada jasiiradda Siishalis ay sheegtay in Burcaddu lagu Maxkamadeneynayo, hase yeeshee  ilaa iyo haatan waxa Maxkamd la soo saaray 11 Burcad badeed Soomaali ah kuwasoo ay soo qabteen Ciidamada Badda caalamiga ee ku sugan biyaha Soomaaliya.
Wasiirka deegaanka kheyraadka dabiiciga iyo Gaadiidka ee dowlada Siishalis Joel Morgan oo haatan Madax ka ah Gudi dowlada Siishelis ay u xilsaartay la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ayaa sheegay in cadeymo ku filan ay u hayaan Ragga Burcadda ah ee gaaraya ilaa iyo 11-ka qof Soomaalida, sidoo kale wuxuu sheegay in ragaas ay soo qabteen Ciidamada Caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad badeeda Somalida ee ku sugan badweynta Hindiya xilli ay ku jireen howlgal falal Burcad badeednimo ah, waxayna wateen hub noocyadiisa kala duwan sida  Qoryaha fud fudud iyo qoryaha loo yaqaano Baasuukayaasha.
Si kasta ha ahaatee ma ahan markii ugu horaysay oo lagu Maxkamadeeyo meel ka baxsan dalka Soomaliya dad Soomaali ah oo lagu eedeenayo falal ay ka mid yihiin Burcad badeednimo, waxaana hadda ka hor lagu Maxkamadeeyey qaar ka mid ah Burcad Badeeda Soomaaliya Wadamada Faransiiska, Kenya iyo Holland.
SomaliSwiss   Amsterdam
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.