Halkaan ka akhri
Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Axmed  ayaa maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah oo siyaasadeed iyadoo ay ugu muhiimsaneyd ayidid oo uu ayiday heshiiskii Addis-Ababa.
Madaxweynuhu wuxuu  shirkiisa jaraa,id kaga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen heshiiski Ahlu Sunna,warbixin kasoo baxday QM,booqashadi u ku tagay Ingiriiska iyo dagaalada Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu soo dhaweeyey heshiiskii shalay ay dowlada iyo Ahlu Sunna ku kala saxiixdeen magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia,wuxuuna heshiiskaasi ku tilmaamay mid muhiim ah oo aad loogu baahanyahay.
Sheikh Shariif oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiriri: ” Waxaad ogtihiin in dowladan ay tahay dowlad dib u heshiisiineed sidaasi daraadeed heshiiska Ahlu Sunna wuxuu ahaa mid dadaal badan lagu bixiyey oo muhiim ah,dowladu ayaa dadaal ku bixiyey waxaa ka mid ahaa dowladihi ku bixiyey dowlada Ethiopia,waana guul usoo hoyatay umada Soomaaliyeed”.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa naqdiyey warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay oo maanta wax looga sheegay qaar ka mid ah saraakiisha hey’adaha dowlada.
Qoraalka Warbixintan oo wax ka sheegtay tayada ciidamada dowlada,habdhaqanka qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo siyaasada dowalda ayuu ku tilmaamay madaxweynaha mid aanan gacan siineyn dowlada KMG ah.
Madaxweynaha oo warbixintaa ka hadlayey wuxuu yiri: “Anaga ma dhaheyno warbixinta gabi ahaan wey qaldaneyn laakin waxaa jiray qeybo badan oo ahaa kuwo aanan ku dhisneyn xog xaqiiq ah,waxyaabaha ay ka sheegeen dowlada dhamaan waxay ahaayeen kuwo laga soo xigtay fadhi ku diriri”.
Sheikh Shariif wuxuu carabka ku adkeeyey in dowlada ay ka xuntahay sida loo soo dhigay warbixinta gaar ahaan qeybaha ka hadlay dowlada KMG Somalia.
Shariifka oo aaad ah ugu talaxtegay ka hadalka warbintaas wuxuu yiri: “Warbixintan iyo sida ay u qoran tahay ma ahan mid gacan siineyso dowlada iyo shacbiga Soomaaliyeed,waxyaabaha aan la yaabnay waxaa ka mid ah dagaalo sokeeyey oo ay ka hadlayaan ama ay abuurayaan,waxyaabaha qaarkood ee ay ka sheegeen dowlada weey qaldanaayeen”.
Dagaalada Muqdisho ka dhacay asbuuci hore ayuu ku tilmaamay kuwo dowlada lagu soo qaaday isaga oo sheegay in dowlada ay ka xun tahay dadkii ku dhintay, hase yeeshee wuxuu ugu danbeyntii  ka hadlay safarki dalka Ingiriiska uu ku tagay,safarkaasi ayuu ku tilmaamay mid kusoo dhamaaday sidi loogu tala galay.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.