Ku xigeenka Qunsulka Soomaaliya ee dalka Yemen oo sheegay in la helay Meydad dad Soomaali ah…

Halkaan ka akhri

Xuseen Xaaji Axmed oo ah Ku xigeenka Qunsulka Soomaalida ee dalka Yemen ayaa sheegay in meydad dad Soomaali ah  laga helay dalka Yemen, kuwaas oo  aan la ogayn sababaha ay u dhinteen, wuxuuna sheegay in baaritaano ay ku heyso xukuumada dalka Yeman.

Sidoo kale Ku xigeenka Qunsulka Xuseen Xaaji Axmed ayaa sheegay in meydadkaas ay Aaseen, ka dib markii ay goobtii lagu arkay ka soo qaadeen waxa uu intaa ku daray in goobaha laga helay Meydadka ay yihiin meelo maalmihii ugu dambeeyay ay ku dhuumaalaysanayeen Kooxaha Mucaaradka ee ka dagaalama dalka Yemen.

Dhanka kale wuxuu sheegay in goobta laga soo qaaday meydadka ay baaritaano ka bilaabeen Ciidamada amaanka ee dalka Yeman, hase yeeshee ilaa haatan  ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka ee dalka Yemen, balse  waxa uu sheegay in markii hore dadkaas loo maleynayay dad ajaanib ah.

Sida la wada ogsoon yahay dalka Yeman ayaa waxaa ku sugan Soomaali ka badan boqolaal kun ah, kuwaas oo dhibato ku heysato deegaano kala duwan oo dalkaas ka mid ah waxaana jira doomo ay saran yihiin  tahriibayaal hor leh wali halkaas gaaraya, kuna qulqulaya dalka Yemen.

SomaliSwiss    Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: