Halkaan ka akhri
Waxaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta maanta ka furmay Shir caalami ah oo looga hadlayo xal u helidda arrimaha Soomaaliya.
Shirkan oo loogu magacdaray “Soomaaliya Codka Xigmada iyo Sharciga” waxaa abaabulkiisa iska kaashaday ururka Mu’tamarka Islaamka iyo xarun Caalami ah oo qaabilsan dhanka waci galinta.
Ujeeddada shirku waxay tahay in dhinacyada hubka isu haysta ee Soomaaliya laga dhaadhiciyo sidii ay u soo fariisan lahaayeen miiska wada hadalka.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in kulankan si cad loogu qeexi doono in kooxaha sheeganaya magaca diinta ee dagaalka ka wada Soomaaliy aysan xaq ku taagneyn oo ay diinta ka been sheegayaan, waa haddii ay ku adkeystaan in ay dagaalka sii wadaan, ayna magaca diinta dadka ku laayaan.
Sida lagu soo warramay Kulankaan oo shir gudoominayo wadaadka Caanka ah ee u dhashay dalka Mauritania Sheikh Cabdala Bin Bayyah ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheiklh Axmed, Madaxweynihii hore dalka Suudaan C/raxmaan Sawaari Dahab, guddoomiye ku xigeenkii hore golaha Shuurada dalka Sacuudiga Dr. Cabdalla Nasiif, guddoomiye ku xigeenka ururka Mu’tamarka islaamka Ambassador Cabdalla Caalim iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Axmed walad Cabdala iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Ururka Islaamka.
Waxaa kaloo Shirkan ka soo qeyb galaya culimaa’udiin fara badan oo ka kala socda dalalka Islaamka, gaar ahaan Somalia, waxa ayna yeelan doonaan kulammo is daba joog ah oo ay ku gorfeynayaa arrimo badan oo xiriir la leh xaaladda ka jira Somalia
Waxyaabaha uu kulanka loogu hadli doono ayaa waxaa ka mid ah :
1 – Gaaleysiinta dadka muslimiinta ah iyo waxa ay shareecada islaamku ka qabto.
2 – Waxyaabaga ay xujada ka dhigtaan kooxaha dagaalka kula jira dowladda Somalia iyo ciidammada Midowga Afrika .
Sanadkii hore ayay ahayd markii Midowga Culimada Islaamku soo saareen bayaan ay ku dhaleeceynayaan hab dhaqanka kooxaha islaamiyiinta ka dagaalamaya Soomaaliya oo ku adeegsanaya magaca diinta sidii ay u gaari lahaayeen danohooda siyaasadeed.
Si kasta ha ahaatee Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ayaan la sheegin xubno shirkaas uga qayb galaya iyadoo lagu wado in culummada shirkaas isugu imaanaya ay kasoo saari doonaan bayaan la xiriira dhinaca qaldan ee daadinaya dhiigga dadka Muslimka ah ee waxba galabsan.
SomaliSwiss Dubai
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.