Dowladda KMG ah oo qorshaynaysa in ay dagaal ku qabsato Gobalada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Aadan Saransoor oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda ee ku sugan Doolow ayaa sheegay inay dhamaatay howlihii ciidan uruurin ahayd oo dib loogu xoreeyn lahaa gobolada koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya, wuxuuna intaa uu raaciyey inay u diyaar garooobeen sidii ay  duulaan ugu  qaadi lahaayeen  Gobolada gacanta Dowladda ka maqan.

Sida la wada ogsoon yahay dhowaan ayay ahayd markii lagu dhawaaqay guddi ka koobnaa 14ka xubnood oo loo xil saaray inuu gacanta dowladda  dib uga soo geliyo maamulada gobolada Bay, Bakool, Gedo Jubbooyinka iyo Shabeelooyinka, oo haatan ay ka taliyaan xoogaga dowladda ka horjeeda.

Aadan Saransoor ayaa sidoo kale sheegay in muddo badan ay ku jiraan abaabul xoogan, waxaana uu cadeeyay in dhowaan ay duulaan ku qaadi doonaan Gobolada Bay, Bakool, Gedo iyo Jubooyinka, wuxuuna intaas ku daray oo uu yiri: “ciidankii howshaasi qaban lahaa diyaarintiis ayaa soo  gabo-gaboobday, taasoo in  mudo ahn abaabul loogu jiraay.

Dhanka kale Aadan Saransoor oo ka mid ah saraakiisha dowladda KMG ee gobolka Gedo ayaa wuxuu tilmaamay inay garteen in haatan “la gaaray waqtigii ku haboonaa” inay talaabo qaadaan si dowladda KMG ay ula wareegto gacan ku heynta gobolada koonfur galbeed ee dalka.

Hase yeeshee rarkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xilli dhinacyada ka horjeeda dowladda KMG ay cadeeyeen inay dagaalo kala hor tagi doonaan qorsheyaasha dowladda ay ku dooneyso inay ku qabsato gobolada dalka.

Balse Xoogaga Mucaaradka ayaa sheegay inay aad uga war qabaan qoorshaha Dowladda ee ku aadan duulaanka, waxayna dhinacooda wadaan diyaar garow iyo abaabul dagaal ay uga hortagayaan duulaanada ku soo wajahan, waxaana deegaanada ay maamulaan ka bilaabeen diyaar garow ciidan.

SomaliSwiss   Dooloow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: