Ciidamada dowlada iyo xoogaga ka soo horjeeda oo wali isku hor fadhiya waqooyiga mag. Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Xaafado ka tirsan waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa  waxaa wali  isku hor fadhiya Ciidamada Dowlada KMG ah iyo xoogaga ka soo horjeeda , hase ahaatee waxaa saaka laga maqlayay rasaas goos goos ah, sidaas waxaa  sheegay dadka ku haray deegaankaas.

Warku wuxuu intaa ku daraya in agagaarka Hotel Golobal ee Degmada Cabdi casiis laga maqlayo rasaas goos goos ah oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac ee Ciidamada Dowlada KMG ah iyo xoogaga ka horjeeda, balse waxaa  la sheegay inay isku ridayaan labada dhinac hubka fud fudud,  mana jiraan dagaalo toos ah oo halkaas ka dhacay.

Inkastoo maalmihii la soo dhaafay ay halkaas ka dhaceen dagaalo lixaad leh ee dhexmaray Ciidamada dowlada KMG ah oo ay kaabayaan AMISOM iyo xoogaga ka horjeeda waxaana halkaas ka dhacay khasaaro aad u farabadan.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: