Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Barlamanka oo booqasho rasmi ah ku aaday dalalka Turkiga iyo Spain.

Halkaan ka akhri

Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sh. Aaden Maxamed Nuur (Madoobe)  iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay safarro badan oo ay ku tagayaan Dalka Dibaddiisa.

Waxeyna Wafdigaasi Duhurnimadii Maanta ka ambo baxeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aaden Cadde Air Port ee Magaalada Muqdisho, iyadoona halkaasi ay ku sii sagootiyeen Xubno ay ka mid ahaayeen Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar dalxa, Xildhibaanno ka tirsan Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Sh. Aaden   (Madoobe)     ayaa waxa uu Warbaahinta u sheegay in Booqashada wafdigiisa ay timid kadib markii uu Casumaad rasmi ah ka helay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Turkiga, isagoo intaasi ku daray in Marki ay tagaan  Turkiga ka dib ay u sii gudbi doonaan Dalka Spain, halkaas oo ay uga qeyb galayaan Shir Ballaaran oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.

Mar uu Guddoomiyuhu ka hadlayay Muddada ay Booqashada wafdigiisa qaadanayso ayuu tilmaamay inuu rajeynayo inay dalka dib ugu soo laabtaan 21-Bishaan, waxa uuna xusay in ay kala hadli doonaan Madaxda dalalkaasi sidii ay u caawin lahaayeen Dowladda Soomaaliya iyo dib u dayactirka Xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Baarlkamaanka Soomaaliya Mudane Sh.Aaden Maxamed Nuur ayaa  waxaa Safarkiisa ku wehiya laba Xildhibaana oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, Xoghaynta Baarlamaanka iyo Xubno kale.

Dhanka kale tani Waa markii ugu horreysay oo ay Dowladaha Turkiga iyo Spain Casumaad rasmi ah u sameeyaan Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sh. Aaden Maxamed Nuur Madoobe tan iyo Markii loo doortay inuu noqdo Guddoonka Sare ee barlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa in Booqashada Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay Faa’iido wayn u noqon doonto Masuuliyiinta Dowlada iyo Shacbiga Soomaaliyeed.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: