Sheikh Cumar Faaruuq oo ka hortagay dhalinyaro isqarxin rabtay kadib markii uu u sheegay in naar lagu tagaayo isqarxinta.

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay ka dhacday Paltalk arin layaab leh kadib markii uu  wacdi ka jeedinaayay wadaadka weyn ee Sheikh Cumar Faaruuq, kaasoo ay wax ka weydiiyeen dhalinyaro dooneysay in ay isqarxiyaan.

Dhalinyaradaan ayaa sida ay shaaca ka qaadeen waxay ka tirsan yihiin kooxda Al- Shabaab, sida ay sheegeen waxaa lagu amray in ay isqarxiyaan bacdamaa ay horey isku qarxiyeen asxaabtoodii, kuwaas oo laga dhaadhiciyay in ay geli doonaan Janatul Fardawsa Al aclaa.

Sheikh Cumar Faaruuq ayaa ku nuux-nuuxsaday in aysan Diintu Sal iyo raad toona ku laheyn isqarxinta, cidii Diinta qilaaftaana ay iska cadahay Jahanama in ay geli doonto.

Sheikh Cumar Faaruuq ayaa habeen walba oo Jimca Muxaadara ka jeediyay Paltalk-ga gaar ahaan Qolka Xifdinta Qur’aanka Kariimka, halkaasoo ay iskugu yimaadaan boqolaal qof oo Soomaali ah, kuwaas oo fursad u hela inay Sheikha weydiiyaan Su’aal walba oo ay doonayaan.

Sheikha ayaa aad u amaanay qolkan isagoo ku amaanay in ay yihiin dhalinyaro iskugu jira wiilal iyo gabdha, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo ku dadaala Diintayna Suuban ee Islaamka.

Mar wax laga weydiiyay dhalinyaro badan oo dooneysa in ay iska guursadaan qolka Xifdinta Qur’aanka Kariimka, ayuu shaaca ka qaaday arintaasi in ay tahay mid lagu farxo, isagoo ugu baaqay in ay isguursadaan oo ay badiyaan Islaamka.

Si kastaba ha ahaatee qolka Xifdinta ayaa wuxuu noqday qolka kaliya ee ugu muhiimsan Paltalk, Maadaama ay muxaadarooyin kala duwan ay ka jeediyaan wadaadada ugu caansan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Geneva

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: