Kaluumaysatada degmada Hobyo oo sheegtay in ay dhibaatooyin kala kulmeen diyaarado jawi hoose ku duulaya.

Halkaan ka akhri

Waxaa Cabashooyin ka imaanaya Shacabka iyo Kaluumaysatada  ku dhaqan degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa ka sheeganaya inay dhibaatooyin ay kala kulmeen diyaarado ku duulaya joog hoose oo lagu arkay deegaanada hoostaga degmadaasi.

Hase ahaatee qaar ka mid ah kaluumaysatada ka jilaabata degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay xiligaan ka cabanayaan diyaarado jawi hoose ku duulaya kuwaasi oo ay sheegeen in ay Baacsanayaan doomaha yar yar ee Kaluumaysiga.

Kaluumaysatadu waxay sheegeen in bilihii ugu dambeeyay diyaaradahaasi ay dhibaatooyin jogto ah ku hayeen doomaha Kaluumaysiga kuwaasi oo ay sheegeen in xiliyada qaar ay ku soo furan biyo kuleyl ah oo dhibaato u geysta.

Dhawaan ayay aheeyd markii ku dhawaad 30 qof oo looga shakisan yahay in ay ahaayeen burcad badeeda ciidamada Badda ee gaashaanbuurta Nato ee jooga biyaha Soomaaliya ay ku soo daadiyeen xeebaha degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Si kasta ha ahaatee Cabashada ka soo yeerayso Kaluumaysatada degmada hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili degmada Hobyo ee gobolka Mudug aanay lagu arkin wax markab ah oo ay soo afduubteen burcad badeeda Soomaalida.

SomaliSwiss    Hobyo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: