Wasiiru dowlaha gaashaandhiga dowladda KMG oo ku tilmaamay dagaalada labadii maalmood socday mid daan daansi ahaa.

Halkaan ka akhri

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowladda KMG Yuusuf Siyaad Indha Cadde ayaa ku tilmaamay dagaalada labadii maalmood mid daan daansi ah oo ay dhankooda ka jawaabeen, isagoo cadeeyay in dagaalkan aanu aheyn kii ay Dowladdu qorsheyneysay.

Sidoo kale Indha Cadde ayaa sheegay in aan la gaarin howl galkii ay Dowladda uga tala gashay ka nadiifinta Nabad diidayaasha, hase ahaa waxa uu sheegay in dagaaladii labadii maalmood uu ahaa mid ay dhinacooda ay ka jawaabayeen weeraro lagu soo qaaday.

Inkastoo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga sheegayey in  wali ay dhiman yihiin howl galka Dowladda, hadana dhinaca mucaaradka ka soo horjeeda dowladda KMG ah ay ku goodinayaan in dagaalk ay  sii wadayaan.

Cali Maxamuud Raage oo ah Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay in dagaalka ay sii wadayaan, ilaa inta ka hartay Caasimada ka saarayaan Dowladda KMG, ayna ku dabaqayaan Shareecada Islaamka, waxaana uu tibaaxay ee uu sheegay  in guulo ballaaran ay ka gaareen dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee waxay Bulshada reer Muqdisho ay la dhakafaarsan yihii Goodinta xambaarsan dhiilada colaadeed ee ka soo yeereysa labada dhinac, taas oo aan wali muuqan raadkeeda, marka loo eego qaabka uu is-hardanka u socdo, natiijadii ka dhalatay dagaaladii labadii maalmood u dambeeyay ayaa ah mid ay waxyeelaysay Shacabka, waxaana wali la isku hor fadhiyaa goobihii uu horay dagaalka uga bilowday.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: