Halkaan ka akhri
Bulshada Reer Muqdisho ayaa waxay saaka la soo tooseen Duqeyn culus iyo dagaallo maalintii 3aad ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, dagaaladaas iyo duqayntasaa oo intooda badan ay ku dhacayaan deegaanada ay gacanta ku hayaan Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda KMG, sidoo kalena kama marna in macaaradkana ay ku soo tuuraan meelaha ay deggan yihiin Dowladda iyo Ciidamada AMISOM.
Madaafiicda  ku hoobanayay degmooyinka Hodan, H/wadaag iyo Wardhiigley ayaa waxay geysteen dhimasho iyo dhaawac dad rayid soo gaartay, inkastoo tira koob sax ah la heyn.
Suuqa Bakaaraha ayaa madaafiic dhowr ah ku hoobteen, waxaana la soo sheegayaa in dad ay waxyeelo ka soo gaartay madaafiicda halkaas ku dhacday.
Warku wuxuu intaa ku daraya in Xoogaga Mucaaradka oo  Madaxtooyada ay hoobiyayaal,  rasaasna  ku soo rideen aagaga ay joogaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, kadibna loogusoo  jawaabay madaafiic cul culus.
Hase yeeshee Xiisado dagaal ayaa wali ka jira magaalada Muqdisho, iyadoo kala bar Magaalada uu ka socdo barakac kii ugu ballaarnaa oo dadka shacabka ay cagahooda kaga baxsanayaan saameynta dagaalada.
Dhanka kale Ciidamada Dowladda KMG iyo Xoogaga ka soo horjeeda ayaa wali isku hor fadhiya aagaga waqooyiga Muqdisho, waxaana mararka qaar ay is dhaafsanayaan rasaas teel teel ah.
Ilaa iyo imminka Xoogaga Mucaaradka waxay  ku sugan Hotelka Galobal, halkaasoo shalay ay ka baxeen Ciidamada Dowladda , waxaana ay dib ugu soo laabteen markii ay Taangiyada AMISOM ka soo ruuqaansadeen meelihii ay ka saareen.
Si kasta ha aheetee  Ciidamada Dowladda KMG iyo Xoogaga ka soo horjeeda ayaa labada dhinacba heysan istiraatiijiyad guud oo dhinaca dagaalka, dhanka Mucaaradka ma hayaan awood ay ku qabsadaan meelaha muhiimka, sidoo kale Ciidamada Dowladdu ma xajisan karaan meelaha AMISOM xooga ugu qabato, waana tan keentay in dagaalku uu wali sii socdo.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.