Halkaan ka akhri
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng. C/risaaq Nuune ayaa shaaca ka qaaday, ugana digay dagaalada kasocda waqooyiga Muqdisho shacabka in ay ka baxaan goobaha dagaalada ay ka socdaan, waxaana uu cadeeyay in ay si deg deg uga baxaan goobahaasi si ay waxyeelo ugala kulmin.
Ku dhawaaqidda digniinta uu bixiyey Eng. Nuune ayaa ahayd fariinta uu u diray ay shacabka magaalada Muqdisho si ay uga badbaadaan, waxayna taasi noqotay mid dareen laab la kac ah gelisay dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Eng. Nuune oo warbaahinta Muqdisho la hadlay wuxuu yiri: “Waxaan uga digeynaa shacabka in ay  ilaa 2-KM ka fogaadaan meelaha duqeynta ka socoto, goobaha la soosocdaan ee ay ku soo wajahan yihiin Ciidamada Dowladda.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa euxuu si Ku meel gaar ah  shacabka uga digay inay ka  baxaan goobaha ay ku sugan yihiin si ay u yaraato khasaaraha soo gaari kara, wuxuuna  tilmaamay in hadalkaas digniinta ah uu yahay mid loogu turaayo Shacabka deggan meelaha uu ka socdo dagaalada.
Dagaaladii ka socda magaalada Muqdisho labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa khasaaraha ugu badan ka soo gaareen dadka shacabka, waxaana dadkaas oo idil wax ku noqdeen duqeymaha labada dhinac ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Si kasta ha ahaatee hadalka ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa  ah mid dareen geliya dadka maatada ah oo korkooda lagu dagaalamaya, hase yeeshee ilaa hadda lama sida ay wax u dhici doono, „Ilaah baa wax og“.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.