Ha Isku Daawan Sawirada kale
Halkaan ka akhri
Maalinnimadii Jimcaha ee 5-tii bishan Maarso 2010-ka ayaa waxaa dhalinyaro laga kaxeeyay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu qowracay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii lasheegay dhalinyadan oo ay da’doodu u dhaxeysay 14 illaa 16 jir in tababar loogu qaaday Kismaayo si loo soo baro sidii ay isku qarxin lahaayeen.
Dhalinyaradan laqowracay oo 6 ahaa ayaa lasheegay in ay diideen in ay isqarxiyaan, kadib markii ay tababarkii dhameysteen, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay dagaalamaan balse aysan isqarxineyn, iyadoo kadibna lagu eedeeyay in ay kahoryimaadeen qawaaniinta Al-Shabaab iyo sharciga diinta Islaamka, sidaas darteedna ay ku muteysteen in laqowraco.
Goobta lagu qowracayay dhalinyaradan ayaa waxaa lasheegay in ay joogeen rag sheeganayay ay yihiin madaxda Al-Shabaab ee u qaabilsan dhinaca tabarida Jihaadka Isqarxinta ah.
Sawiradan ayaa waxaa inoo soo gudbiyay mid kamid ah dhalinyarada lashaqeysa kooxda Al-Shabaab oo isagu ka cudur daartay in labaahiyo magiciisa, kaasoo sheegay in uu ka xumaaday dhibaatada lagula kacay dhalinyaradan ay da’doodu aadka u yareyd oo uu weliba qaarkood garanayay, sida uu sheegay.
Dhalinyadan laqowracay mid kamid ah oo uu sawiradiisa oo uu sheegay in uu ku qaaday si qarsoodi ah Mobile-kiisa ayuu magiciisa inoogu sheegay in la oranayay Ridwaan C/qaadir, da’diisuna aheyd 15 sano jir.
Dhalinyaradan ayaa lasheegay in si qarsoodi ah Familkooda oo aan ogeyn looga kaxeeyay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho dhamaadkii bishii 11 ee 2009-ka, si loogu soo tababaro Miinooyinka loo isticmaalo Isqarxinta, isla markaana dib loogu soo celiyo Muqdisho, kadibna loogu adeegsado qaraxyada ay u isticmaalayaan kooxda Al-Shabaab Hoteelada iyo Xerooyinka ay ku sugan yihiin madaxda dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Qoysas fara badan oo ku dhaqan Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada ay gacanta ku hayaan kooxaha Al-Shabaab iyo Xizbul Islaam ayaa sheegay in lawaayay dhalinyaro ay da’doodu u dhaxeyso 12 illaa 16 jir, lana ogeyn meesha ay kabaxeen.Â
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.