DAAWO SAWIRADA KALE
Halkaan ka akhri
DHAGEYSO KHUDBADDA MADAXWEYNAHA EE MAGAALADA LONDONÂ BBCSomali
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa xalay kulan aad loo soo abaabulay la yeeshay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Britain wuxuuna uga wabixiyay waxqabadka dowladiisa.
Sheikh Shariif ayaa u sheegay Jaaliyadda uu xalay la kulmay in dalka Britain uu ogolaaday in safaaraddii Soomaaliya ee dalkaas dib loo furo, arrintaas oo ay xubnaha uu la kulmay Madaxewynuhu sacab ku soo dhaweeyeen sacab.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay inay dalka dib ugu soo celiso amaan, iyadoo kaashanaysa sida uu sheegay dalalka caalamka ee doonaya in Soomaaliya ay nabad noqoto.
Madaxweyne Sheikh Shariif oo hadalkiisa sii wato wuxuuyiri:.”Dowladnimada iyo Xorriyadda ma ahan wax si fudud lagu heli karo, waxaa ku baxa dhiig badan, sidaa daraadeed waxaa naga go’an inaan dagaal la galno cid walba oo doonaysa inay burburiso dowladda Soomaaliya shisheeye iyo sokeeye cidday doonaan ha aadaane”.
Hase yeeshee Madaxweynuhu wuxuu ka digay in Soomaalida dibadaha ku nool ay dhib  ku kordhiyaan dadka ku dhibaateysan dalka, wuxuuna sheegay in dhallinyarada halkan ka taga ee ku biiraya dagaallada la qalday ayna ka digtoonaadaan arrintaas.
Madaxweyne Sheekh Shariif oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Dadka dowladda diiddan qaarkood waxaan isla soo shaqeynay xilligii Maxkamadaha waana wax aad looga xumaado in diinta si khalad ay maanta u fasiraan ayna dadka yiraahdaan waa gaalo ee la dilo”.
DHAGEYSO KHUDBADDA MADAXWEYNAHA EE MAGAALADA LONDONÂ BBCSomali
Sidoo kale waxaa la sheegay in Madaxweyne Sheikh Shariif uu xalay  la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo tiradoodu gaaraysay 3,000-qof, kuwaasoo ku jiray haween iyo caruur aad u yar, kuwaasoo si ay farxad ku jirto u soo dhaweeyay hadallada Madaxweynaha Soomaaliya.
xiriirinta barnaamijka Kulankan ayaa waxaa daadihinayey Raage Omaar oo ah wariye Soomaaliyeed oo caan ah, waxaana sidoo kale hadallo ka jeediyay wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirka Jaaliyadaha Dibadda C/llaahi Axmed Cabdulle (Azhari) iyo Ra’ iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Si kasta ha ahaatee waxaa ugu dambeyntii uu Madaxweynaha Soomaaliya uu kula dardaarmay Soomalaida ku nool dalka Britain inaysan dhibaatooyin kula kicin dadka ay la nool yihiin, isagoo ugu baaqay dhallinyarada haysta lamaanaha u dhashay dalka Britain inay si shuruud la’aan ah kusii daayaan.
SomaliSwiss   London
Filed under: SomaliSwiss, Wararka |
You must be logged in to post a comment.