Hay’adda Xuquuqda Aadana Amnesty International oo u dhaqaaqday soo deynta Max Göldi.

Halkaan ka akhri

Hay’adda  Xuquuqda Aadanaha ee (Amnesty International) ayaa talaadadii lasoo dhaafay u dhaqaaqday sidii loo soo deyn lahaa Max Göldi oo ah nin u dhashay dalkan Switzerland oo muddoba ku xirnaa dalka Libya.

Amnesty International ayaa casuumad u fidisay Wasiirka Cadaaladda dalka Libya si uu u arko 14’000 Saxiixyo oo ay soo saxiixeen madax sar-sare  oo Caalamka ka tirsan, kuwaas oo codsanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu soo celiyo xuriyadiisa  Max Göldi oo imminka lagu haysto muddo hal Sano iyo Bar ah xabsi ku yaala magaalada Tripoli ee dalka Libya.

Hay’adda Amnesty  ayaa ka soo saartay war la xiriira la haystaha u dhashay dalka Switzerland Max Göldi  in loo haysto arrin Siyaasadeed ee ka dhaxeeyso labada dowladood ee Libiya iyo Switzerland sidaas darteed ayaa waxaa laga codsaday Dowladda Libiya inay soo dayso qofkaas si khalad  ah ugu xiran xabsigooda.

Göldi, oo ah nin madax sare ka ahaa Shirkadda dad Swiss iska leh ee la yiraahdo ABB oo ah shirkad dhinac walba ka shaqeyso, wuxuuna in muddo ahna ku howlnaa sidii labada dowladood ay xiriirkooda ganacsi ee wax kala bedelashada xorta ah.

Sidoo kale dhinaca  Xarunta Strasburgo waxaa ka imaanaya war la xiririira  arrinta la haystaha , taasoo uu soo jeediyey Xildhibaan ka soo jeeda dalka Malta, kana mid ah Barlamaanka reer Yurub, kaasoo sheegay in loo baahanyahay in la dedejiyo sidii loo dhamayn lahaa dhibaatada ka dhex jirta Siyaasiyiinta labada dowladood.

SomaliSwiss Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: