Halkaan ka akhri
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa guulo ballaaran ka sheegatay dagaalada maalintii labaad ka socda waqooyiga Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb qaadanayaan Taangiyada Ciidamada AMISOM oo jiida dagaalka galay.
Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay horu mar ka sameeyeen dagaalada, isla markaana la wareegeen goobo ay ku sugnaayeen Mucaaradka.
Indha Caddeayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada ay wali ku sugan yihiin meelahoodii, waxayna la wareegeen dhowr degmo oo ka mid ah, sida Kaaraan, Sanca iyo dhamaan meelihii ay joogeen, Kooxaha mucaardka ah, waxaa sidoo kale gaaray khasaare aad u ba’an.
Indha Cadde ayaa ku eedeeyay Xoogaga Mucaaradka in ay dadka qaarna gowracaan, kuwana ay xabad ku dilaan, wuxuuna tilmaamay in haatan bilaabeen in dadka ay gaajo u dilaan.
Guulaha ay  Dowladda KMG sheegatay Ka sokow, waxaa jira khasaaro baaxad leh oo aan indhaha laga qari karin, kaasoo soo gaaray dadka Rayidka ee ku nool Xaafadahooda, kuwaas oo Madaafiicda ay ugu tagtay iyagoo ku sugan guryahooda.
Khasaaraha dagaaladan ay keeneen ayaa ah kuwo wali socda, sidaas darteed lama qiyaasi karo waxyeelada soo gaaray dadka aan waxba galabsan oo lagu kor dagaalamaya, waxaana dhaawacyada ka badan yihiin 100- qof halka dhimashaduna ay cagacaynayso ilaa iyo in ka badan 30meeyo sodomeeyo qof.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.