Halkaan ka akhri
War lagu kalsoonaan yahay oo laga helay qof jooga madaalada Khartuum ee Caasimada dalka Suudaan ayaa sheegaya in Sheikh Muuse Caraale oo ahaa Sarkaal sare oo ka tirsan ururka xizbul Islaam ayaa Ciidamada Boliiska Dalka suudaan ay Xabsiga dhigeen.
Qof ka mid ah Ardayda wax ka barata Jaamacadaha Dalka suudaan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa u sheegay Radio Muqdisho oo ku hadla codka Dowladda KMG in Ciidamada Boliiska Dalka Suudaan gacanta ku dhigeen Sheekh muuse Caraale.
Muuse Caraale ayaa la sheegay inuu xiligaasi ku sii jeeday Dalka Eritrea oo xuduud la leh Dalka Suudaan, laakiin xog ay heleen Ciidamada Amaanka oo baaritaano horay ugu jireen Muuse Caraale si sahlan gacanta ugu dhigeen.
Sidoo kale ma jiraan ilo waredyo madax banaan oo xaqiijin kara warkan sheegaya Ciidamada Boliiska Dalka Suudaan in ay xabsiga dhigeen Sheikh muuse caraale, Balse warar horay looga helay Dalka Suudaan ayaa lagu sheegay Sheikh Muuse Caraale in uu si dhuumaalaysi ah u soo galay dalka Suudaan.
Si kasta ha ahaatee waxaa jira warar ay qoreen qaar ka mid ah Webseydyada Soomalida kuwaasoo sheegeen Muuse caraale inuu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, wax safar ahna uga bixin gudaha Caasimada Magaalada Muqdisho, haddii warka xiritaanka soo baxa waxaa beenoobaaya wararkaasi horay loo baahiyey.
SomaliSwiss  Khartuum
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.