Afhayeenka ciidamada AMISOM oo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dagaalada dowladda KMG ay la galayso kooxaha ka soo horjeeda.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika Barigiye Bahoku ayaa sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan dagaalada dowladda KMG la galayso kooxaha ka soo horjeeda si 16-ka degmo Gobolka banaadir dowladda ula wareegto.

Inkastoo uu sheegin Afhayeenka waqtiga kama danbeysta ah duulaankaasi ka qeyb qaadanayaan ayaa haddana wuxuu sheegay in dagaaladii ugu horeeyey ay ka bilaabmeen  degmooyinka C/casiis iyo Kaaraan oo shalay ilaa iyo maanta dagaalo ka socdaan.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa beeniyey dagaaladii shalay iyo kuwa saaka ka socda W/qooyiga Muqdisho ciidamadoda qeyb ka yihiin, hase yeeshee uu  qiray inay ka qeyb qaadan doonaan duulaamo uu sheegay dowladda KMG abaabulkeeda ay wado.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Barigiye Bahoku wuxuu intaa raaciyey ee uu yiri: “Ciidankeenu dagaalada socda qeyb kama ahan, haddii si toos ah ciidamadeenu u gali lahaayeen dagaalada kooxaha mucaaradka 16-ka degmo Muqdisho kuma sii nagaadeen”.

Dhanka kale waxaa hubanti ah in dagaalada saaka ka socada Muqdisho iyo kuwa shalay dhacayba waxaan shaki ku jirin inay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada AMISOM.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: