Waa Sidee Xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho  dagaalo aad u culus, gaar ahaan waqooyiga magaalada, kuwaas oo u dhexeeya Ciidamada dowlada KMG ah iyo xoogaga ka soo horjeeda.

Sida lagu soo warramay subaxnimadii maanta ayaa waxaa deegaanada shibis iyo cabdi casiis ka qarxay dagaal aad u culus oo laga dareemay dhamaan magaalada Muqdisho waxaana dagaalka laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalkan Xoogg a badan awgiis ayaa  dhawaaqa Madaafiicda kala duwan oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac ayaa saameyn ku yeeshay dadka deegaanadaas ku dhaqan iyadoo madaafiicda qaar ka ku dhaceen deegaano ka fog halka ay dagaaladu ka socdaan.

Si kastaba ha’ahaatee waxaan wali  la ogayn khasaaraha dagaalka  uu geystay, balse waxaa  la ogaan doono saacadaha danbe ee maanta.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: