Halkaan ka akhri
General William E. Ward  oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa wuxuu xog warran uu siiyey guddi ka tirsan golaha Senate-ka, waxaana warbixintiisa ku sheegay inuu jiro qorshe haatan socda oo ah in gacanta lagu qabto magaalada Muqdisho.
Hase ahaatee Generaalku wax faah faahin ah kama uusan bixin qorshaha milateri, balse waxa uu sheegay in Maraykanku uu taagerayo dadaalkaa ah sidii looga saari lahaa kooxaha xagjira degaannada ay haystaan, looguna soo celin lahaa gacanta dawladda. Waxanu intaasi raaciyey in hawgalladani ay wax ka tari doonaan wax-ka-qabashada deganaansho la’aanta Somalia
Generaal William Ward oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri ” Waa arrin run ahaantii aannu gacan ka geysan karno, ilaa heer, in dawladda federaaliga ahi ay gacanta ku wada dhigto dhammaan magaalada Muqdishu, iyada oo la kaashanaysa ciidamada AMISOM iyo meelo kaleba”.
Sida la wada ogsoon yahay Dawlada KMG ah iyo ciidamada AMISOM, ayaa waxay beryahan danbe aad u hadal hayeen olole milateri oo kama-dambays ah oo ay damacsan yihiin inay ku qaadaan kooxaha islaamiyiinta ah, gaar ahaana ururrada al-Shaaab iyo Xisbu-Islaam, oo ay kaga saaran magaalada Muqdishu, iyo degaannada kale ee ay haystaanba.
Sidoo kale Dawladda Maraykanku waxay sanaddii hore ay qaadday tallabo ah sidii gargaar dheeri ay ugu fidinlahayd Somalia, waxayna dawladda KMG ah  ay ka heshay Mareykanka hub, si ay iskaga caabbiso kooxaha islaamiyiinta.
Hase yeeshee Toddobaadkii hore, ayaa lagu soo qoray  The New York Times warbixin sheegaysa  inay suurtogal tahay in ciidamada hawlgallada milateri ee gaarka ah ee Maraykanku ay ka caawin doonaan dawladda Soomaaliya inay ka saarto magaalada Muqdishu ururrada xag-jirka ah.
Dhanka kale wararka laga helayo gobollada koonfureed iyo kuwa dhexe, waxay iyaguna bilahan danbe ka hadlayeen diyaarado noocyo kala geddisan ah oo loo malaynayo inay yihiin kuwa sahanka oo soo gala hawada gobolladaas, degaannadaasi oo inta badan gacanta ay ku hayaan ururrada islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda, dagaalkana kula jira dawladda Somalia.
Si kasta ha ahaatee dhab ma noqon doontaa in Maraykanku uu faraha la gelaayo arrinta muragsan ee  Soomaaliya, iyadoo dadweynaha Maraykanka weli ku sii dheggan xasuustooda hawlgalladii 1990-yadii ee markii hore ku bilaabmay gurmad degdeg ah oo gargaar lagu gaadhsiinayo dadweynihi ku tabaaloobay abaaraha.
Isha warka Washinton D . C
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.