Â
Halkaan ka akhri
Sida uu sheegay C/laahi Axmed Azhari oo dowlada KMG ah ee Soomaaliya ah uga qaabilsan dhanka Jaaliyadaha iyo Maalgashiga oo haatan ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in dalka Britain ay dowlada KMG ah ee Soomaaliya ka heshay deeq lacageed oo gaaraysa in ku dhow 7-milyan oo dolar.
Wasiirku wuxuu sheegay in arintaas ay ka dhalatay kulamada dhexmaraya madaxda dowlada KMG ah iyo kuwa ingiriiska gaar ahaan Madaxweyne shariif iyo sa’isul wasaaraha ingiriiska,kaas oo ay isla soo qaadeen xaalada cakiran ee wadanka Soomaaliya
Sidoo kale Wasiirku wuxuu  intaa ku daray in marka ay dib ugu laabtaan dalka ay shaacin doonaan waxa ka soo baxay socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ay haatan ku guuleysteen intabadan waxyaabihii ay u yimaadeen.
Hase yeeshee Mr Azhari waxa uu xusay in Ingiriisku  ay ka qeyb qaadan doonto tababarka Ciidamada Boliiska dowlada KMG ah, islamarkaana ay kala hadleen wasiirka amaanka ee dalka Britain inuu kala shaqeeyo dhinaca tababarka Ciidanka Dowlada KMG ah.
SomaliSwiss   London
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.