Dagaalkii saaka ka billowday magaalada Muqdisho oo caawa Maqribnimadii xoogaa qaboobay…

Halkaan ka akhri

Dagaal ay bar bar socdeen  Madaafiic culus oo ka dhacay Xaafado kuyaala waqooyiga Magaalada Muqdisho, dagaalkaas oo ay ku dhintay kudhawaad 30 qof, waxaana ku dhaawacmay 80 qof oo dhammaantood ahaa dad rayid ah.

Sida lagu soo warramay Dagaalkan ayaa waxaa daba-socday Madaafiic, wuxuuna  socday mudo Saacado ah. Hase ahaatee dagaalkan xoogiisa waxaauu dhacay salaadii casar kadib, kaasoo khasaarooyin u geystay dad badan rayid ah oo madaafiic ay guryahooda ugu tagtay.

Dagaalkii galabta oo ay isaga soo horjeedeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo  kuwa Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu ku dhexmaray degmada C/casiis, waxaana duqeyn culus loo geystay  Xaafado ka mid ah degmooyinka C/Casiis, Kaaraan iyo Yaaqshiid kuwaasi oo dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen.

Hase ahaatee waxa la sheegay in Madaafiic badan oo is xig xigtay ayaa ku dhacay Suuq Xaafada Juungal degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sababtay dhimashada ilaa 9 qof oo goob qura kuwda geeriyooday halka 13 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale Suuqa Bacaad oo ah Suuqa 2aad ayaa sidoo kale ay ku soo dhaceen Madaafiic taasoo sababtay dhaawaca ilaa 10 qof halka degmada C/Casiisna uu sababay dhimashada hal qof iyo 2ba dhaawac, waxayna dhamaantood ay ahaayeen dad rayid ah.

Si kasta ha ahaate Saraakiisha gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa Warbaahinta Muqdisho u sheegtay in ay qaadeen dhaawacyada gaaraya ku dhawaad 65 qof oo dhamaantood ahaa dad rayid ah kuwaasi  oo ku waxyeeloobay dagaaladii iyo duqeymihii galabta ka dhacay Waqooyiga Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in  Caawa Maqribkii ay Xaalada goobihii lagu dagaalamay ay waxoogaa xasiloon ka muuqday, waxaana mararka qaar la maqlayay dhawaqa rasaas teel teel ah oo ay isku ridayaan dhinacyada halkaasi isku horfadhiya.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: