Ciidanka dowlada KMG Soomaaliya oo galabta dib ula wareegeen goobihii ay Saaka dagaalada ka dhaceen ee xaafadaha Waqooyiga Muqdisho.

DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Dagaal rogaal celis ah ayaa galabnimadii Maanta ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka waqooyiga magaalada Muqdisho oo ay Saaka ciidanka dowlada ka soo riixeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wararka ilaa hadda soo baxaya ayaa sheegaya in ay ciidanka dowlada KMG Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen aagag badan oo ay kaga sugnaayeen degmooyinka C/Casiis iyo Kaaraan, basle xili ay aheyd galabta gabal dhicii kadib ayaa lasheegay in ay ciidanka dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM weerar xoogan ku soo qaadeen ayna kula wareegeen dhamaan goobihii ay ciidanka dib uga soo gurteen.

Dagaalka oo ahaa mid fool ka fool ah ayna sidoo kale garab socdeen duqeymo xoogan oo gaartay meelo kala duwan isla markaana dhalisay qasaare nafeed, inksatoo aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha dhimasho ee eoo kala gaaray ciidanka dowlada iyo kuwa Al-Shabaab.

Balse mar ay galabta wariyayaal raaceen ciidanka dowlada iyo Saraakiil uu ka mid ahaa taliyaha Ciidanka lugta Dowlada KMG Soomaaliya iyo Saraakiil kale ayaa waxaa goobta lagu arkay dhowr Meyd oo ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab kaga tageen aaga Hotel Global.

Dhinaca kale waxaa jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay dagaalada Maanta kaga geeriyoodeen laba Sarkaal oo Ajaanib ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: